Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Garoowe Ee Al-shabaab Ku Beegsatay Shaqaalaha QM

UNGaroowe, (SLP)- Wararka kasoo baxaya qaraxa maanta ka dhacay xarunta maamul gobolleedka Puntland ee Garoowe kaasoo lagu dilay 10 ka mid ah shaqaalaha hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, iyadoo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Kooxda Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada Col. Cali Salaad ayaa sheegay in weerarkan ay kasoo gaadhay waxyeello dhimasho iyo dhaawac ah shaqaale isugu jira Soomaali iyo ajinabi.

“Maanta waa maalin madow, balse argagaxisada dhibaatadan gaysatay waa inay ogaadaan in dhiiga ay daadiyeen aanu noqon doonin mid la ilaabayo, waxaananu ku qaban doonnaa gacan bir ah,” ayuu yidhi Col. Saciid oo Garoowe kula hadlay warbaahinta.

Sarkaal ka tirsan booliska Puntland oo isna lagu magacaabo, Axmed Cabdullaahi Samatar ayaa sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ajinabi.

Afhayeenka hawlgallada Al-shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab oo isna qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin qaraxii ka dhacay xarunta Puntland ee Garoowe.“Weerarka aanu ka fulinnay Garoowe waxaanu ku dilnay tiro shaqaalaha Qaramada Midoobay ka mid ah, waxaana ku dhaawacnay tiro kale. Kuwani waxay ka mid ahaayeen ajaanibka gumaysiga ku jooga Soomaaliya,” ayuu yidhi Sh. Abuu-Mucab oo la hadlya AFP.

Goob-joogeyaal iyaguna ku sugan Garoowe ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xoog leh oo haleelay gaadhi Caasi ah oo siday shaqaalaha dhimashada iyo dhaawucu uu soo gaadhay, xilli uu doonayay inuu galo dhismaha ay QM ku leedahay Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa ah ee ka dhaca Puntland, iyadoo weerarka ay si aad ah u cambaareeyeen QM iyo mas’uuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net