Khasaaraha ka Dhashay Gubashada Suuqa Waaheen oo La Shaaciyey

Hargeysa (SLpost)- Guddi uu madaxweynaha Somaliland maanta u magacaabay Gurmadka iyo Taakulaynta masiibada Suuqa Waaheen, ayaa caawa soo saaray qiimeyn hordhac ah oo lagu ogaaday baaxadda khasaare ee dabkaasi u geystay suuqa iyo Ganacsatada.

Guddiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta iyo Maayar-ka Hargeysa, ayaa shir-jaraa’id oo ay goor-dhawayd ku qabteen Hargeysa, waxa ay ku sheegeen inqiimayn hordhac ah oo la sameeyey lagu ogaaday in dabka ka kacay Suuqa Waaheen uu geystay khasaare maaliyadeed oo gaadhaysa inta u dhaxaysay $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan oo Lacag ah.

Maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayey afka Guddiga, ayaa sheegay in khasaaraha dabka ka dhashay gaadhsiisan yahay $2 Bilyan.

Guddiga Taakuleynta Suuqa Waaheen oo caawa la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay sidan:-