Khasaaraha ka dhashay baabuur daad ku qaaday Dooxa Agabar ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa

Hargeysa, (SLpost)- Dooxa Tuulada Agabar ee Woqooyiga Hargeysa ayaa la tagay  Laba Baabuur oo nooca Land Cruiser  kuwaas oo siday rakaab u safrayey dhinaca dalka Jabuuti.

Rakaabkan ayaa ka baxay Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa Habeenkii Xalay iyaga oo sii jeeday Dhinaca Jabuuti, waxaanay la kulmeen masiibadan  ka dib markii Roobab Mahiigan ahi ka da`een Habeenkii Xalay ahaa Waqooyiga Hargeysa.

Ilaa iyo hadda Maydka 11 Ruux oo aan wali la aqoosan ayaa maydkooda la keenay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa iyada oo la isku dayayo in la aqoonsado Maydadkan, balse u badan dumar, sidoo kale wali waxaan la helin raqda iyo nolosha qof kale oo la la’yahay.

Tirada rakaabka Saarnaa Baabuurtan ayaan wali la ogayn Tiradooda Rasmiga ah.

Wixii ka soo kordha kala soco SomalilandPost.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net