Khasaaraha Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashay Qaraxyo Caawa lala beegsaday mid ka mid ah goobaha ugu Saxmadda badan magaalada Nairobi

Nairobi, 10 March, 2012 (SLpost)- Qaraxyo ka dhacay mid ka mid ah Istaamada basaska ee ugu mashquulsan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa galaaftay ugu yaraan nolosha afar qof halka 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay inay arkayeen rag baabuur saaran oo baasukayaal ku ganaya kedinka laga baxo ee Istaanka Basaska, sida uu sheegay Charles Owino oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Booliska. Wasiirka ka tirsan dawladda Kenya oo saxaafadda la hadlay, ka dib markii uu Cusbitaalka ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay, waxa uu sheegay in lix ka mid ah ay u baahan yihiin qalliin deg-deg ah.

Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyey weerarro waxyaabo kala duwan loo adeegsaday oo galaaftay daraasin dadka dalkaas ilaa wakhtigii ay dawladda Kenya ciidamada u dirtay gudaha Soomaaliya bishii October ee sannadkii hore.

Dawladda Dalka Kenya waxa ay qaraxyadan ku eedaysay Ururka Al-Shabaab oo dhawaan ku biiray bahweynta ururka Al-Qaacida, kaas oo gacanta ku haya inta badan Koonfurta Dalka Soomaaliya.

.AnaaL� xa�6� ���naha Dalka Suuriya oo iyaduna ah,sidii wada hadal siyaasadeed loola bilaabi lahaa Mucaaradka Ku kacsan Xukuumada uu hogaamiyo.Haseyeeshee,Mucaaridku Way ka biyo diidsanyihiin Dhexdhexaadinta Mr.Anaan wado iyagoo ku tilmaamay Mid wakhtigeedii Dhacay oon imika ku habooneyn in wada hadal siyaasadeed lala Yeesho Xukuumada Bashaar Alasad.

Dhanka kale, Gudiga Qaaban qaabada ee  Doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa manta bilaabay inay qabtaan Codsiyada Musharixiinta u tartamaya Jagada Madaxtinimada ee dalkaasi,iyadoo laga joogo Sedex iyo toban bilood Markii xilka laga qaaday Madaxweynihii Dalkaasi Mr. Xusni Mubaaric.

Waxaana la filayaa in doorashadu Qabsoonto bisha May ee sanadkan halka Natiijada lagu dhawaaqi doono Badhtamaha bisha Juun,taas oo Golaha Malateriga wareejin doono Talada dalka Marka uu soo Magacaabo Madaxweynaha Cusubi Golahiisa wasiirada sidii ay ku balan qaadeen.

Hase yeeshee, waxay u soo bandhigeen Gudiga Doorashooyinku raga doonaya inay noqdaan Musharaxiinta Rasmiga shuruudo laga filayo inay fuliyaan  kuwasa oo ay ka mid yihiin in Xisbigiisu soo Magacaabo  xisbugu Haystana taageero ilaa sodan Xildhibaan,halka Musharaxa Madaxbanaan laga rabo in uu keeno ilaa sodan kun oo qof oo taageersan Musharaxnimadiisa.

Musharixiinta qaarkood ayaa la sheegayaa inay Kalsooni darro ka qabaan sida wax loo maamulayo, iyagoo sheegay inuu jiro Gorgortan Musharaxiin lagu taakulaynayo qaar ka mid ah,waxase ay dalbadeen in si cadaalada ah oo xornimo ku jirto loo qabanqaabiyo doorashada Madaxtinimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net