Khasaaraha dab goor dhawayd qabsaday Xarunta Kaboolayaasha Hargeysa

Hargeysa,(SLpost)-Dab xooggan ayaa xalay ka kacay mid ka mid ah dhismeyaal ay Farsamayaqaannada Birta Tuma iyo kuwa Kabaha u tola dadka Naafada ah oo ee badhtamaha magaalada Hargeysa.

Gurigan oo ku yaalla badhtamaha magaalada, gaar ahaan koonfurta Saldhigga dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa, ayaa gabi ahaantiiba shuf-beelay iyada oo uu khasaare laxaad lihi soo gaadhay hantidii hoos taalay oo qalabka ay farsamayaqaannadu ku hawlgalayeen u badnaa.

Dad-goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Wargeyska Ogaal , in dabku ka dhashay dab uu Nin Sikhraansani ku tuuray goobtaas. Ma jiro illaa hadda cid wax ku noqotay dabkaasi, balse hantidii hoos taalay ayaa iyadu halkaasi ku baabaday isla markaana aanay jirin wax laga saaray.

Ciidamadda Booliska, dadweyne aad u tiro badan, Dab-damisyo iyo Booyado biyo ah ayaa u gurmaday bakhtiinta dabkaasi ka kacay dhismaha. Ilaa Saqbadhkii xalay waxa lagu hawlanaa bakhtiinta dabkaasi iyada oo uu dabku marba marka ka dambaysa soo xoogaysanayey.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net