Khaatumo Oo Sheegtay In Ciidamada Somaliland La Wareegeen Xarunteedii Baligacad

Sool(SLpost)-Wasiiru dawlihii hore ee Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf ayaa daboolka ka qaaday diinka Somaliland inay qabsadeen xarunta haatan ee kooxda Khaatumo iyo guud ahaan deegaano balaadhan oo ilaa Buuhoodle ah.
Waxa uu sidan Kayse ku sheegay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Lixdii sibaxnimo oo xagayaga ah shacbiga deegaanada Baligacad iyo Saaxdheer ilaa Buuhoodle aageeda ayaa ku waabariistay gaadiid iyo tikniko si baaxad leh u socota ay dhulkooda soo galeen, aniga xukuumada inteeda badan oo madaxweynuuna uu ku jiro waxaanu markaas joognay Baligacad, nimankaasi way noo yimaadeen oo waan kuu cadaynayaa.”