Kerry oo Booqday Magaalada Hiroshima Oo Aanu Sarkaal Maraykan Ah Hore U Booqan

Us(Slpost)-Xoghayaha Arrimaha dibadda ee US John Kerry ayaa noqday sarkaalkii ugu sarreeyey ee ameerikaan ah ee booqda magaalada Hiroshima ee Japan, tan iyo markii uu magaaladaas burburiyey bam atoomig ah 1945.

karry

Kerry ayaa magaalada u jooga kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada G7.

Waxaa la filayaa inay ka xaajoodaan arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, bariga dhexe, iyo mushaakilka muhaajiriinta. Japan ayaa waxaa kaloo la filayaa inay u adeegsato arrinta Hiroshima inay ku riixdo sidii loo yarayn lahaa tirada hubka nukliyeerka ee dunida.

Kerry ayaa Isniinta booqan doona taallada dadkii dhintay.

Ma jiro madaxweyne maraykan ah oo xil haya oo magaaladaas booqday.