Kenyatta Oo Sheegay Inaanu Arrimo Xasaasi Ah Oo Muddaharaado Sababay Aanu Kala Hadlayn Obama

Nairobi, (SLpost)- Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in Obama aanu kala hadli doonin arrinta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Balse waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaaba badan oo dhanka xuquuqda shaqsiyaadka ah oo ay kala hadli doonaan Kenya ahaan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa dhammaadka todobaadkan waxa uu caasimadda Nairobi kaga qeybgali doonaa shir lagaga hadlayo ganacsiga caalamka.

Magaalada Nairobi waxaa dhowr todobaad ka hor ka dhacay mudaaharaadyo loogu baaqayo Obama inaanu ka hadlin arrinta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, iyadoo uu dalka Kenya mamnuuc ka yahay xadhiidhka noocaas ahi.

Kenyatta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, oo ay dacwadii kaga socoto maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC-da uu goob-joog ka noqon doono kulanka Obama.

Obama ayaa waxa uu ka qeybgali doonaa shir lagaga hadlayo ganacsiga oo ka dhacaya daba yaaqada toddobaadkan magaalada Nairobi. Kenyatta waxa uu dadweynaha Kenya ka dalbaday in ay si wayn u soo dhaweeyaan Obama.