“Kenya xafiis diblumaasi kuma laha Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay…” – Dowladda Kenya oo ka hadashay Safarka Madaxweyne Biixi

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Biixi waxa halkaas ku qaabilay wasiirro ka tirsan dowladda Kenya iyo safiirka JSL ee dalka Kenya, waxaana markii dambe madaxweynuhu wasiirrada dalkaas la qaatay kulan gogol-xaadh u ah kulanka ay maalinta Berri ah wada-yeelanayaan hoggaamiyeyaasha labada ee Somaliland iyo Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya oo ka hadashay socdaalka madaxweynaha Somaliland ee ku tagay dalkaas, ayaa sheegtay in arrimaha ugu muhiimsan ee kulanka labada hoggaamiye kagaga wada-hadli doonaan ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, ganacsiga iyo maalgeshiga.

“Kenya xafiis diblumaasi kuma laha Somaliland, laakiin waxay aqoonsan tahay xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka jirta, waxayna dooneysaa inay xoojiso oo ay ballaadhiso xidhiidhka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada. iyo sidoo kale maalgashiga oo gundhig u ah iskaashiga horumarineed ee mustaqbalka labada dhinac,” sidaas waxa lagu sheegay qoraal ay barta Twitter ku baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.

Sidoo kale, wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay, “Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika oo aanu iska kaashanno dagaalka lagula jiro kooxaha xag-jirka”.

Safarka ayaa noqonaya kii u horeeyey ee madaxweyne Muuse Biixi ku tago dalka Kenya tan iyo markii uu la wareegay hoggaaminta talada dalka bishii December 2017-kii.

Socdaalka madaxweyne Biixi ayaa noqonaya markii labaad ee hoggaamiye ka socda Somaliland oo marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya uu booqdo dalkaas, waxaana ka horreeyey socdaal madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku tagay halkaas 2006-dii isagoo la kulmay madaxweynihii hore ee Kenya Moi Kibaki.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net