Kenya oo soo Bandhigay Sawirada iyo magacyada 11 Nin oo Weeraro Qorshaynayey

 

Somalilandpost-Laamaha ammaanka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo doonayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dambiilayaal yihiin, maleegayaana weeraro argagixiso.

 

Dadkan ayay laamaha ammaanka dawladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo khatar u ah, waxaana la sheegay inay hore uga qeyb qaateen weerarkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Mpeketoni.

 

Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganayay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in raggan qorsheynayaan weeraro inay ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan dhamaadka sanadkan iyo bilawga sanadka cusub.

 

Dadka reer Kenya ayaa loogu baaqay in Hey’adaha amaanka Kenya ku wargeliyaan  raggan, hadii ay hayaan  macluumaadkooda ama ay arkaan.

 

Mid ka mid ah ragga la soo bandhigay waxaa lagu magacaabaa C/fataax Abuubakar Cabdi oo ah muwaadin u dhashay Soomaaliya, kaasoo hore looga soo musaafuriyay gobolka xeebta ee Kenya.