Kenya Oo Muddo U Qabatay Muwaadiniinteeda Ku Biiray Al-shabaab, Ballan-qaadyana U Fidisay

Nairobi, (SLP)-  Dawladda dalka Kenya ayaa muddo toban maalmood ah u qabatay dadka u dhashay dalkaas ee ka tirsan Kooxda Al-shabaab inay isku soo dhiibaan, isla markaana ay xukuumad ahaan qaabili doonaan.

Joseph Nkaissery Wasiirka amniga gudaha Kenya ayaa ku wargeliyay dhallinyarada inay iska soo xaadiriyaan xafiisyada dawladda ee Nairobi, Mombasa ama Gaarisa.

Kenya22Waxa kale oo uu sheegay Joseph in dhallinta loo samaynayo mustaqbal wanaagsan iyo is-dhexgal, haddii ay kasoo laabtaan fikirka kooxda Al-shabaab e ay aaminsan yihiin.

Wasiirka ayaa sidoo kale u sheegay waalidiinta ama ehelada carruurtooda la waayay ee u malaynaya in la xagjireeyay ama lagu dilay Soomaaliya ay iyaguna wargeliyaan xafiisyada dawladda ee Nairobi, Mombassa iyo Gaarisa.

Waxaa uu waalidka u sheegay in ay soo diiwaan geliyaan ciddii ay ka shakiyaan ama baxsatay ee ay dhalleen haddii aanyay taas dhicin falka uu ilmahaasu geysto in loo xidhi doono waalidka diwaan gelin la’aanta uu sameeyay awgeed.

Dawladda Kenya ayaa hadda qaadaysa tallaabooyin dhawr ah oo ay ugu yaraan ku yaraynayaan dhibaatada Al-Shabaab ay ka gaysanayaan gudaha dalka.

Inta badan ma Dhacdo in Xoogagga Al-shabaab ay u hoggaansamaan muddooyinka la siiyo si ay iskugu soo dhiibaan, waxaanay natiijo fiicani ka dhalan muddooyin badan oo xukuumadda Soomaaliya sidan oo kale ugu wargelisay inay cafis u fidisay.

 

Somalilandpost.net