Kenya oo ku Dooday in Jaamacadda Gaarisa Dib loo Furi Doono Marka Amnigu Adkaado

 

Gaarisa(SLpost)-Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya, William Ruto oo socdaal ku maraya magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa wuxuu su’aal ka keenay dib u furista Jaamacadda Garissa. Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka hadlay kulamo kala duwan oo Magaaladaasi uu kaga qaybgalay, ayaa sheegay in Jaamacadda dib loo furi doono, marka uu amnigu noqdo mid la’isku hallayn karo. Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa shacabka gobolka waqooyi bari ugu yeedhay in ay u istaagaan xaqiijinta amniga gobolkooda, halmeel-na ay kaga soo wada jeestaan Ururka Al Shabaab.

Waxaa uu ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in waxa uu ugu yeedhay sharwadayaasha ay ka adkaadaan, isagoona wax laga yaq-yaqsado ku tilmaamay falkii lagu laayay ardaydii Jaamacadda Garissa. “Ma’ogolaan doono in sharwadayaasha ay inaga adkaadaan. Waan ka yaq-yaqsanaynaa kuwii weeraray, dilayna ardaydii aan waxba galabsan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya. Mar uu ka hadlaayay waxa ay ka dhigan tahay Jaamacadaasi, ayaa wuxuu ku tilmaamay mid qayb ka ah horumarinta waxbarasho ee dalka Kenya ka jirta.

“Jaamacadda Garissa waa qayb ka mid ah kaabayaasha horumarineed ee waxbarashada uu dalkaan u baahan yahay. Waa waajib dib u furista Jaamacadda, ardayduna ay awoodaan hiigsiga waxbarashadooda, si ay u gaadhaan mustaqbalkooda nololeed.” Ayuu yidhi William Ruto.

Mr. Ruto waxa uu hoosta ka xariiqay in Dawladda Kenya ay diyaar u tahay bixinta mashaariicda waxbarasho ee Jaamacadda Garissa, hubinta nabadgelyada deegaanka iyo in ciidan ilaalo ah oo loo sameeyo Jaamacadaasi. “Dowladdu way maalgelinaysaa mashaaricda waxbarasha ee Jaamacadda, oo ay ka mid tahay in ciidan ilaalo ah loo sameeyo iyo hubinta amniga deegaanka, uuna u noqdo mid ay ka jirto nabadgelyo la’isku halleen karo.” Sidaasi waxaa yidhi Ruto.

Somalilandpost.net