Kenya Oo Ku Dhawaaqday Xayiraad Ka Qaadista Shirkaddaha Xawaaladdaha Oo Hore Loo Xanibay

Nairobi, (SLpost)- Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in xayiraaddii laga qaado 13 shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya dirista lacagaha ama xawaaladaha.uhuru

Hadalkan waxa jeediyey madaxeynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo munaasabadda curashada bisha Ramadaan ka hadlayay. Kenyatta ayaa amray bangiga dhexe ee Kenya inuu soo saaro shuruuc, isla markaana uu qaado xayiraaddii la saaray shirkaddaha lacagaha dira.

Shirkadahan ayaa xayiraadda la saaray kadib weerarkii ay Al-Shabab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa bishii Apriil ee sannadkan.

Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Dahabshil oo warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in talaabadani ay tahay mid lagu farxo.

Dhinaca kale, dadka dagan Kenya ayaa soo dhaweeyay go’aanka xayiraadda lagaga qaadayo shirkaddaha xawaaladaha.

Somalilandpost.net