Kenya oo Gidaar Xijaab uga noqda ka dhisaysa Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya

Lamu (SLpost)- Dowladda Kenya ayaa la sheegtay inay qorshaynayso sidii ay gidaar xijaab uga noqda dadka sharci-darrada ku soo gala dalkooda uga samayn lahayd xadka ay la wadaagaan dalkaasi Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Lamu oo ku yaala xuduudka dhinac badda ee labada waddan, Issa Timamy, ayaa sheegay in dhismaha gidaarku ka caawin doono sidii ay uga hortegi lahaayeen inay dadka sharci-darada ah u soo talaabaan Kenya.

gidaarka“Waan la socdaa qorshaha, dhismaha hawshuna dhowaan ayey bilaabi doontaa. Waxaan rajaynaynaa in dhismaha gidaarku dhamaado sannadkan dabayaaqadiisa,” ayuu Mr Timamy sheegay.

Deegaamada dhismaha gidaarka loo samaynayo ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Ishakani iyo Ras Kamboni. “Waa goobaha dadka sharci-daradu ka soo talaabaan, xilligan qaarkood lagu xidhay, halka qaar kalena la filayo inay gaadheen Lamu,” ayuu raaciyey Mr Timamy.

“Waa qorshe wanaagsan, waanan taageersan nahay, sababtoo ah waxay xijaab u noqonaysaa gobolkan iyo guud ahaan dalka.”

Xukuumada Kenya ayaa qaaday talaabooyin kala duwan oo la xoojinayo amaanka, ka dib markii sagaashan qof ku dhinteen laba weerar oo bishi June iyo July dhacay, halka sidoo kale bandoo makhribka ilaa waaberiga ku soo rogtay gobolka Lamu.

SOMALILANDPOST.NET