Kaluumaysato Reer Yemen Ah Oo Dooni kula Degtay Xeebta Gobolka Sanaag oo ay Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland Badbaadiyeen

Maydh (SLpost) Feb.08, 2013 – Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa badbaadiyey nolosha shan bad-maaxayaal reer Yemen ah oo shalay dooni Kaluumaysi oo ay wateen kula degtay xeebta Maydh ee

 

Gobolka Sanaag.

242b7cac26b02f080edc3ea8e0e494ba_M

 

Doontan oo ahayd mid kaluumaysi ayaa la sheegay inay degtay abaaro 5:30 galabnimo, xiligaasi oo ay Yemeniyiinta doonta watay ay hawlo kaluumaysi ah ka wadeen halkaasi, balse markii ay doontaasi oo sidoo kale ay saarnaayeen dhowr Laash ay degtay ayaa waxa u gurmaday ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, sida uu sheegay Taliyaha guud ee ciidamadaasi Axmed Aw Cismaan.

Taliyaha oo maanta la hadlay Wakaalada wararka ee Somaliland (SOLNA) ayaa sheegay in doontaasi degtay, balse wax khasaare ahi aanay ka dhalan oo dadkii saarnaa gabi ahaanba laga soo badbaadiyey.

Taliyuhu kama hadal in doontaasi ay si sharci uga kaluumaysanaysay xeebaha Maydh ee Somaliland iyo inay si sharci daro ah uga kaluumaysanaysay, balse waxa uu tilmaamay oo kaliya in ciidamada ilaalada xeebuhu dadkaasi u gurmadeen isla-markaana ay noloshooda badbaadiyeen.

Doontan ayaan ahayn tii ugu horeysay eek u degta xeebaha Somaliland, balse waxa dhowr oo hore dhacay shilal noocan ah.