“Kalsoonida uu Shacabka ka kasbaday iyo Xaqa Dastuurku siiyey ayaa ku qasbaysa inuu (Siilaanyo) Mar kale hoggaamiyo dalka” – Cukuse

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu xisbiga Kulmiye ugu sharraxan yahay doorashada madaxtinimada ee sannadka dambe loo qorsheeyey inay ka qabsoonto.

Cukuse55Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay inuu mar kale isu-soo sharraxo xilka madaxtinimada, isaga oo ku dooday in muddadii Afarta sanno ee uu madaxweynuhu xilka hayay uu kalsooni ka kasbaday shacabka.

Hadalka ka soo yeedhay Wasiir Cukuse oo u muuqda farriin madax-tooyadu u soo xambaarisay, ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib dhawaaq ka soo yeedhay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, kaas oo uu ku shaaciyey inuu u sharraxan yahay madaxnimada shanta sanno ee soo socda, isal markaana uu madaxweynaha iyo cid kasta oo isa soo sharraxda kula tartamayo gudaha Xisbiga Kulmiye marka la gaadho shirka Golaha Dhexe ee xisbiga oo muddo cayiman aan wali loo qaban.

DHEGAYSO

 

SOMALILANDPOST.NET