Kalluun Badan oo la Dhoofinayo oo laga soo Saaray Badda Somaliland

Berbera(SLpost)-Shirkadda Pontus Marine oo ka shaqaysa kalluunka islamarkaana ay muwaadiniin badan oo reer Somaliland ahi ku midoobeen ayaa maanta markii koowaad bilawday soo saarista iyo iibinta kalluunka badaha Somaliland ku jira taas oo ay maanta sheegeen in ay dibadda u soo saareen kalluun gaadhaya 6 tone.

Kalluunkaas ayaa waxa ay u soo saarayaan, u kaydinayaan, islamarkaana caafimaadka u ilaalinayaan si aad u heer saraysa iyaga oo sheegay in ay galabtaba doonayaan in uu dalka oodhan wada gaadho oo dadweynuhu ku raaxaystaan kalluun ka mid ah kuwa ugu macaan kaluumanada oo loo yaqaan “King Fish”.

 

Halkan Ka Daawo Warkaas oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=jWkP437_r90

 

Somalilandpost, Berbera Office