KAAF iyo KALA-DHEERI: Koobka Adduunka oo Bara-kiciyey Qoysas Badan oo Shacabka Brazil ah iyo Xaddiga Lacagta lagu Kharash-gareeyo Dhismaha Garoomada

Sao Paulo (SLpost)-Marti-gelinta Tartanka Koobka Adduunka ee sannadkan 2014 iyo Kharashka ku baxay dhismeyaasha Garoomada Kubadda Cagta,  ayaa saamayn taban ku yeeshay Nolosha Qoysas badan oo dalkaas ku nool, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee lagu qabanayo tartamaya Koobka Adduunka.

BRAZIL-HOMELESSNESS-MTST-NEW PALESTINEWaddanka Brazil oo dhowr sanno ka hor ku guulaystay tartan uu u galay marti-gelinta Koobka Adduunka ee wakhtigan dalkooda ka socda, waxa uu diyaar-garow ballaadhan oo u galay marti-galinta Koobka dunida ee 2014, iyaga oo dhisay Garoomo Cusub oo kuwa Kubadda Cagta ah, kuwaas oo lacago kumanaan Malyuun oo Dollar gaadhaya kaga baxeen baxeen.

Magaalada Sao Paulo ee dalkaasii Brazil oo ah magaalada Ballaadhan isla markaana ay ku nool yihiin dad tiradoodu lagu qiyaaso 11 Milyan iyo 500 Kun oo Qof, rikoodhka adduunka ku haysata magaalada todobaad ee ugu Shacbi badan, ayaa dawladdu ka dhistay Garoon Kubbadeed oo ay ku baxday 360 Milyan oo Dollar.

Dhismaha Garoonku waxa uu saamayn ku yeeshay nolosha Qoysas dan yar ah, kuwaas oo Kiro ahaan ugu jiray Guryo ku yaala goobta laga dhisay garoonka, haseyeeshee ka dib markii la dhammeystiray garoonka kubadda Cagta ee Sao Paulo, waxa qaaliyoobay Kirada Guryihii ku yaallay Agagaarka Garoonka Tanina waxa ay sababtay dadka danyarta ahi inay awoodi waayeen Bixinta Kirada, taas oo ku kalliftay inay Aqallo Cooshash ah ka dhistaan nawaaxiga magaalada meel masaafo aan durugsanayn u jirta goobta Garoonku ku yaallo.

Guryaha Cooshashka ah ee Dadka Danyarta ahi ka dhisteen goobtan oo guud ahaan isku keentay qoysas tiradoodu gaadhay 4,300, ayaa wakhtigan noqotay xaafad ku soo biirtay magaaladaas, waxaana xaafadda loo bixiyey NEW PALESTINE.

Halkan ka daawo  war-bixin laga diyaariyey qoysaskan ugu kuur-galo ka diyaariyey xaafadda NEW PALESTINE ee magaalada Sao Paulo oo ka mid ah magaalooyinka Marti-gelinaya tartanka Koobka Adduunka, waana magaalada Lagu furay Tartanka kulankii dhexmaray Brazil iyo Croatia.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA