Kaabashka waxa uu waxtar u leeyahay dadka xanuunka Macaanku Asiibay (Diabetes II)

Kaabash (Cabbage)

Hargeysa, (SLpost)- Daraasadii ugu danbaysay dhinaca caafimaadka aadamaha oo dhawaan laga sameeyay dalka Ingiriiska ayaa daaha ka rogtay faa’iidada khudaarta cagaaran, gaar ahaan kuwa galkoodu dooga yahay u leedahay ka hor taga xanuunka macaanka. Baadhitaankan oo ay fulisay jaamacadda Leicester ee Magaaladda London sida la sheegayna dad tiradoodu dhan tahay 22-kun oo qof si mutadawacnimo ah uga qayb qaateen ayaa natiijadii ka soo baxday cadaysay in hadii qofku maalintii isticmaalo 108grm oo khudrada cagaaran gaar ahaan saladhka iyo kaabashka ay u dhow dahay in 14% arimaha macaanka dhaliya uu qofku kaga badbaado. Khudaarta oo dhamaanteed leh faa’iido caafimaad iyo mid dheeli tirka caafimaadka jidhka iyo waxyaabaha uu u baahan yahay ah, ayaa hadana sida baadhitankan lagu ogaaday khudradda galkeedu Dooga yahay ay leedahay oo qofku ka heli karaa macdano iyo fiitamiino ka caawiya unugyada dhiiga cad cad (white Blood Cels), ka inay ka gaashantan xanuunka Sonkorowga ka labaad oo isagu ka halis badan ka koowaad, sida dadka aqoonta caafimaadku ku warameen. Khudradda cagaaran waxa ku badan anti-oxidants, sida vitamin C-ga sidoo kale waxa ku jira magnesium-ka oo wax badan u tarta xamaytida iyo ganaca oo ah meelaha uu haleelo ama uu inta badan asiibo xanuunka Macaanka Q.2aad. haddaba waxa ay dhakhaatiirtani ku talinayaan in ay ku dedaalaan isticmaalka khudaartan aadka u jaban ee laga helo dalkeena gaar ahaan.