Ka Xorow Uur kutaalada!

Si aad hore ugu socoto, Umad u hogaamiso, Horumar nafsi ah iyo mid umadeedba aad u gaadho, ka xerow urursiga naxliga iyo uurkutaalada.
shakhsi, bulsho ama kooxi waxay hore u socon kartaa, horumar gaadhi kartaa, dadka wax la qaybsan kartaa, bulshadana dhex gali kartaa , dadkana wax tari kartaa ,marka ay ka xeroobaan dhaawacyaddii hore ee soo gaadhay ama aanad ahayn qof ku nool dhawacyada nololeed ee qofka sida maalin laha u soo gaadha. inta aad awood u leedahay inaad dareenka cadhada, xanaaqa, cuqdada iyo calool ku haynta u badali karto fursad iyo wanaag waxaad ku talaabsan kartaa horumar nololeed iyo mid bulsho oo hiigsi leh, waxaad dadka wax dheeranaysaa, inta aad dhaleecaymaha uga faa’idaysanayso fursado nololeed, talo biximahana aad u dhago nugushahay, una dhago furantahay doodaha, calooshaaduna tahay mid xaadhan, waa hubaal inaad ku dhiiran karto khataro badan oo nololeed, horumarna aad gaadhi karto.
Ogow, talaabo nololeed oo aad hore u qaado, waxay kula kulansiinaysaa, bulsho aanad hore uga mid ahayn, waxay kuu abuuraysaa, saaxiibo hor leh, sidoo kalena waxaad ku kasbanaysaa cadaawad iyo in ku jilaafaysa.

Ha u hiilin, inta naxli la yururka ah, ha ka dhigin siday doonayaan inta horumarka neceb, u hiili dhiiranaanta, dhago furnaanta,, kalsoonida, hanka iyo aragtida hogaamineed ee horaysa.

Haddii aad umad rabto inaad hoggaamiso, saamaxaada badi, waxaad awood u yeelan inaad wax abuurto, wax barato, korto caqli ahaan iyo bulsho ahaanba, naxliga, cuqdada, calool ku haynta iyo gaws ku qabashadu waxay la dagaalantaa, horumarka, waxaad ka sheekayn uun hebel, waxaad xasuusnaan uun boogo, waxaad ku dambayn rife, dadkuna way kaa ordi doonaan, waxanad ahaan qof shakhsiyaad koobani ku wareegsan yihiin noloshiisa, dadkoo dhamina ugu kala qaybsan ama ugu kala suntan yihiin, qaar ay maalin is dileen, qaar ay maalin is caayeen, qaar aan aragtidiisa la dhacsanayn oo ka sooo horjeeda, qaar, qaar neceb, shakhsiyadiisa ama isir ahaantiisa…….IWM
Haddii aad rabto, inaad bulsho hormood u noqoto, saamaxaadu waxay ku siinaysaa inaad bulshada dhexdeeda ka hesho ixtiraam, qadarin iyo wanaag, waxaad heli tixgalin badan iyo inaad hore u socoto.

Dadka oo dhan, ma raali galin kartid, ficilkaaga iyo fikirkaaguna dadka ma wada raali galin karo, mana noqon kartid qof ceeb ka saliim ah, mana waayaysid jalaafooyin nololeed ama siyaasadeed, balse dariiqa kaliya ee aad kaga gudbi kartaa waa adigoo saamaxada, talada iyo dhibirsanaanta badiya, waa dariiqa kaliya ee nolosha aad ugu xaadhi karto wanaag iyo horumar.

Siyaasadu waa huq iyo hawl badan tahay, inta aad xirfad aqooneed, bulsheed iyo deegaan, aad leedahay ayaad awoodaa inaanad leexada iyo isbad badalka geedi socodka siyaasada aanad ka dhicin ee aad ku jiri karto

Nuxur qoraaleedkaygan waxaa si kooban u sheegaya una qeexaya, Abwaankii waynaa ee timacade, alla ha u naxariistee

Wadaadow lama hello
waxaan cidi ku hawshoone
naftaa loo hantaaqaaa
waxaad hiigso leedahaye

Macnuhu wuxuu kujiraa, naftaa loo hantaaqaa, waxaad hiigso leedahay, waxaanad u dhib mudan, una guban, una hawshoon, yeelana dhabar adaygeedii, si sahlan, kuma gaadhaysid.

Curfiga, cayda, iyo cid shakhsi ku necebiba, waxaad ku dhaafi kartaa, adigoo saamaxa, wixii ku anfacana ka qaata weedhahooda, waxa kalena iska xoora, dabadeedto hawshaada aad halkeedii ka sii wadato, tirada yar ee noloshaada isku dayaysa inay caqbad ku noqoto yaanay kugu awoodaysan adigoo naxli la yurur ah, sidaa daraadeed ka xerow Naxliga Iyo Uurkutaalada.

W/Q- Maxamed Cabdikariim (M-Maarshaal)