Jubba: Kulan Qarsoodi ah oo Dhexmaray Madaxweynaha Masar iyo Hoggaamiyaha TPLF iyo Ethiopia oo ka xanaaqday

 

Jubba (SLpost)- Hoggaamiyaha Jabhadda xoreynta Tigreega ee TPLF­, Debretsion Gebremichael, ayaa kulan qarsoodi ah caasimadda Koonfurta Suudaan ee Jubba kula yeeshay madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi oo booqasho rasmi ah ku yimi dalkaas Sabtidii todobaadkan.

Lama oga arrimaha ay ka wada-hadleen labada hoggaamiye, haseyeeshee waxa laysla ogyahay in khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya biyo-xidheenka weyn ee GERD ka dhexeeyo dalalka Itoobiya iyo Masar, taasina ay keeni karto suurta-galnimada taageero siyaasadeed oo dalka Masar ku taageero Jabhadda TPLF oo dagaal adag kula jirta Dowladda Federaalka ee Ethiopia.

Kulanka la sheegay inuu dhexmaray Al-Siisi iyo hoggaamiyaha Tigray-ga, ayaa soo if-baxay kaddib markii uu maalintii Sabtidii uu magaalada Jubba ee Caasimadda Koonfurta Sudan si deg-deg ah uga baxay Safiirkii Ethiopia u fadhiyay dalkaas, Fisseha Shawl, iyadoo tallaabadani ka dambaysay go’aan ka soo baxay dowladda Federaalka ee Ethiopia.

Dowladda uu hoggaamiyo Raysal-wasaare Abbiy Axmed, ayaa saacado kaddib xidhiidhkii dibloomaasiyadeed u jartay dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo xilligan ay labada waddan la kala noqdeen safiirradii u kala fadhiyey Jubba iyo Addis Ababa.

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel-Fattah el-Sissi, ayaa markii u horeysay socdaal ku yimi dalka Koonfurta Suudaan Sabtidii toddobaadkan, waxaana qaabilay madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada madaxweyne, El-Sissi iyo Kiir ayaa ka wada-hadlay arrimo khuseeya biyaha webiga Nile iyo sidii ay labada waddan si habsami leh uga wada-faa’idaysan lahaayeen. Haseyeeshee, warka laguma xusin inay labada hoggaamiye ka wada-hadleen xiisadda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya.

Masar ayaa ka soo horjeedda dhismaha biyo-xidheenka weyn ee laga hirgeliyey dalka Ethiopia oo laga sameeyey meel u dhow xuduudka u dhexeeya Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan, halkaas oo ah marinta biyaha webiga Nile-ka oo biyo-xidheenku ku fadhiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net