John Drysdal oo jawaabtii Wasiirka Beeraha ku tilmaamay talaabo nacasnimo leh

Hargeysa, (SLpost)- Madaxa mashruuca kala-xadaynta Beeraha Somaliland oo dhawaan xukuumadu sheegtay inay ka joojiyeen ayaa ka hadlay jawaab uu arrintaa ka bixiyay Wasiirka Beeraha Somaliland, taasoo la xidhiidhay inuu Mr. John Dreysdal uu mashruucan sidii loogu talogalay u wadi waayay.

Mr John Drysdal oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka wasiirka beeraha ka soo yeedhay uu yahay hadal nacasnimo ah oo uu doonayo inuu kula wareego mashruucaas. Sidoo kale, Odey John waxa uu beeniyay inuu xanuunsanayo, balse saddex maalmood oo keliya uu bukay, balse haatan uu caafimaad qabo.

“Warka ah inaan mashruuca wadi kari waayay ee wasiirku sheegay run maaha, saddex cisho ayaan u xanuunsaday dhibaato dhinaca kaadida ah wax kalena may jirin.” Ayuu yidhi John, waxaanu intaa ku daray, “Hore ayaan u dhameeyay kormeerka iyo kala xadaynta beeraha, waxaananu kala xadaynay 15000 oo beerood, hadalkani (Hadalka wasiirka beeraha) waa hadal kale oo nacasnimo ah oo uu ku doonayo inuu sabab uga dhigo inuu kula wareego.”

Dhinaca kale, Cabdisalaan Qalinle Cismaan oo ka mid ah hawl-wadeenadii mashruuca kala xadeynta beeraha oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in afar qof oo wasiirka beeruhu ugu horeeyo mashruucan dano gaar ah ka leeyihiin, waxaanu tilmaamay in afar gaadhi oo ay kala leeyihiin wasiirka, agaasimaha, la taliyaha wasiirka beeraha iyo agaasimihii hore ee wasaaradaasi ay si khaas ah mashruuca kala xadaynta ugu kiraysan yihiin. “Waxaanu doonaynaa waa shaqadayadii oo dan kale oo aanu ka rabnaa ma jirto, laakiin cida danta ka lihi waa wasiirka oo ay muuqataa, waayo waxaanu haynaa baabuurta wasaarada beeraha u shaqaysa ee ay imika mashruucan kala xadaynta beeraha ku qaateen, gaadhiga ugu horeeya wasiirka ayaa si shakhsi ah u leh oo si shakhsi ah ayuu ugu shaqeeyaa, ka labaadna agaasimaha guud ee wasaarada beeraha ayaa leh oo uu si gaar ah ugu shaqeeyaa, ka saddexaadna waxa leh la-taliyaha wasiirka oo la yidhaahdo Ibraahim Carab, ka afraadna waxa leh agaasimihii hore ee wasaarada beeraha Cabdiqaadir Jibriil Tukaale  oo ah ninka mashruucan baabi’iyay, markaa afartaa nin ayaa mashruuca dano gaar ah ka leh, anagu haddii aanu nahay shaqaalihii mashruuca kala-xadaynta beeraha, waxaanu soo saaraynay kaadhka diiwaangalinta beeraha, waxaanuna soo saarnay 15000 oo beerood, kaadhadhkiina way haystaan, laakiin shahaadadii wasiirku saxeexayay ayayna iyagu soo saarin.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mr. Cabdisalaan waxaa uu soo bandhigay taarikada afarta gaadhi ee mashruucan uu sheegay in laga kireeyay oo ay masuul ka yihiin masuuliyiinta la soo sheegay, waxaanu ku kala xusay sidan: 22856, 30550, 36036 iyo 41089.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net