Joe Biden oo ku Guulaystay Doorashada Madaxweynaha Maraykanka iyo Wararkii u dambeeyey

 

Washington (SLpost)- Murashaxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtooyada dalka Maraykanka, kaddib markii uu ka guulaystay madaxweynaha talada haya ee Donal Trump oo loollan adagi ku dhexmaray doorashada oo todobaadkii hore ka dhacday dalkaas.

Ma jiro war rasmi ah oo guddiga gacanta ku haysa doorashadu ku shaaciyeen guusha Joe Biden, haseyeeshee codadka la tiriyey ee gobollada Maraykanka waxa ku guulaystay Madaxweynaha la doortay Joe Biden oo haysta in ka badan Boqolkiiba 50 Codka shacabka oo u dhigan 74 Milyan halka Trump uu ka helay boqolkiiba 48 oo u dhiganta 71 Milyan.

Tirinta Codadka gobollada Maraykanka oo wali socota, ayaa boqolkiiba 99 la soo gebo-gabeeyey, waxaanay warbaahinta Dalkaas iyo kuwa kale ee Caalamkuba saadaaliyeen inuu Joe Biden si rasmi ah ugu guulaystay tartanka, iyagoo ka shidaal-qaadanaya tirada codadka la tiriyey, inta hadhsan iyo farqiga codadka ay labada murshax is-dheer yihiin.

Guusha Doorashada oo natiijadeeda la dhur-sugayay, ayaa ku xidhnayd tirinta codadka Gobolka Pennsylvania oo inteedii badnayd galabta la soo gebo-gabeeyey, waxa uu Mr Joe Biden ku guulaystay inuu helo codadka 284 ka mid ah 538-ka Guddi-doorasho ee dalka Maraykanka, taas oo kor  u dhaaftay 270 Cod ee ay ku xidhan tahay guusha madaxtooyada dalkaasi. Donal Trump ayaa haysta 214 cod.

Mr Trump oo noqonaya madaxweynihii u horeeyey ilaa 1990-kii ee isagoo haya hal muddo-xileed kursiga lagaga guulaystay, ayaa hore u sheegay inaanu aqoonsan doonin natiijada doorashada, isla markaana uu Cabashadiisa u gudbin doono Maxkamadda sare.

Joe Biden oo da’diisu tahay 78-jir, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da weynaa ee la doorto taariikhda dalka Maraykanka. Waxa ka horeeyey Ronal Reagon oo 1989-kii xilka ka degay isagoo da’diisu tahay 77-jir.

Waxa xusid inuu musharaxu ku guulaysto madaxtinimada aanay ugu weynayn inuu helo tirada ugu badan codadka shacabku dhiibtaan, waxayse tahay inuu guulaysanayo musharaxa hela tirada ugu badan codadka ay bixiyaan Gudiyada Gobollada ee la yidhaahdo Gole-doorasho (Electoral Colleges) oo ah tiro go’an oo gobol waliba leeyahay, taas oo lagu jaan gooyey saamiga shacabka ku nool gobol kasta. Musharaxa hela codadka shacabka ee ugu badan gobol kasta ayaa helay codadka Gole-doorashadiisa, marka laga reebo labada gobol ee Nebraska iyo Maine oo sharcigoodu ka duwan yahay gobollada, kuwaas oo murashax kastaa heli karo taageerada Gole-doorashada uu kasbado.

 

La soco wararka doorashada Maraykanka…..