Jilaaga Caanka Ah Ee Reer Hindiya Salman Khan Oo Shan Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay

Mumbai, (SLpost)- Salman Khan oo ka mid ah jilayaasha ugu caansan shirkadda filimaanta hindiga ah ee Bollywood ayaa lagu xukumay shan sanno oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay inuu gaadhi jiidhsiiyay nin derbi jiif ah, isagoo khamri cabsan.Salman Khann

Salman Khan oo 49 sanno jir, kana tirsan xidigaha Bollywood, waxa lagu eedeeyay inuu jiidhsiiyay gaadhigiisa tiro dad oo hurday wadada dhinaceeda magaalada Mumbai sannadkii 2002-dii, waxaana geeriyooday mid ka mid ahaa dadkaas oo lagu magacaabi jiray Nur Ullah Khan.
Salman Khan ayaa ku doodday in dirawalkiisu uu qaladka lahaa, balse dhawr goob-jooge ayaa sheegay in jilaagu uu waday gaadhiga, isla markaana uu ka cararay markii shilku dhacay ka dib, xukunkan ayaa ah mid racfaan laga qaadan karo.
Somalilandpost.net