‘Jihada u Dambaysa Fursadaha Maalgashi’ – W/T: Mohamoud Ali Walaaleye

‘Maal-gashedayaashu waxay ku baraarugeen fursadaha qaarada Afrika,

balse, waxay eegayaan halka ay hantidooda geliyaan sannadaha soo socda’ 

“Dhab ahaan, muhiimada ugu weyn ee hantida Afrika waa dadkeeda. Qaarada aya ahoy u ah tirada dhalinyarada ugu badan aduunka, oo ugu yaraan ilaa 200 milyan ku jiraan da’da u dhexeysa 15ilaa 25, halkaa oo badankoodu marayaan waxbarashada dugsi sare kuwo ka sareeya…” sidaa waxa lagu qoray maqaal wargeyska Afrikan Business daabacay.

Abdirashid Dualeh
Abdirashid Dualeh

Maqaalkan oo wargeyska African Business review ku qoray 4th Jan, 2013, Cabdirashiid M. Ducaale, maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil, xawaalada ugu balaadhan qaarada Afrika, uguna hawl-wadeenada badan shirkadaha gaarka loo leeyahay, ayaa lagu bilaabay:

Maadama sannad cusub u bilaabmayo horumarka qaarada Afrika, su’aasha la isweydiinayo waxay noqonaysaa maxay iyo halkee ayey fursada maalgashigu noqon doonaan, gaar ahaan kuwa qurba-jooga,? Aduunku waxaa u muuqatay in Afrika noqonayso xudunta horumarka dhaqaalaha, si kalena, aaga ugu dambeeya ee fursado maalgashi hesha.

Dad badan ayaa hoos u dhugan muhiimada qaaradaa, maadama, badi saaxafadu ka bixin jirtay sawir macaluul, abaaro, khilaafyo iyo musuqmaasuq, gaar ahaan, dhulka saxaraha. Inkastoo, mushkiladahaasi badi weli jiraan, sannadkii tegay hrumar la taaban karo ayaa ka dhacay wadamo badan oo Africa ah, waana sabata saxaafdu dhowaanahan xaqiiqooyinkaa u qortay.

Suuqyada qaaradan ayaa u badan kuw awadamada (Brazil, Russia, India, China iyo South Africa), isla markaana, shabeelada qaarada Aasiya ayaa u socda noqshada dhaqalaaha ugu koboca badan. Wadamadaasi dhab ahaan, si xawli ah ayey u horumareen shan iyo tobankii sannadood la soo dhaafay, haatan waxay ka mid yihiin jilayaasha suuqyada caalamka, oo runtii soo jiita dhaqaale xad dhaafa oo maalgashi.

Dhaqaale Xawli u kobcaya

Waxay u muuqanaysaa la-yaab markaad ogataid in lix ka mid ah tobankii wadan ee dhaqaalahoodu kobcayey qarnigii la soo dhaafay ku yaaliin qaarada Afrika, guud ahaan horumarka dhaqaale ee qaarada ayaa dhacay 2002-03, waxaanu qiyaasa sare-u-kaca dhaqaalahu marakaa 6% wakhtigan, horumar ay carqaladeeyeen hoos-u-dhacii dhaqaale suuqyada caalamka 2009. Qaaradda Afrika ayaa la filayaa in sare-u-kaca dhaqaalahoodu gaadho qiyaasta boqolkiiba 5.4 sannadkan, halka sannadaha soo socdana gaadhi doono lix boqolkiiba sannad walba, taasoo ku dhoweynaysa ama dhaafinaysa sare-u-kaca dhaqaale ee qaarada Aasiya. Afrika, marka la soo kobo, waxay noqon doontaa suuqa labaad ee aduunka.

Wadamada shidaalka dhoofiya, sida Nigeria iyo Angola, ayaa muujiyey horumar layaab leh, ka dib markii maalgashi badan heleen. Wadamada dhoofiya birta iyo macdanta, sida  Botswana, the DRC, Gabon iyo Guinea ayaa sidoo kale ku naalooday asare-u-kac dhaqaale, u sabab tahay horumarka kaabayaashooda. Bariga Afrika, dhaqaalaha ku tiirsan beeraha ee  Rwanda ayaa la saadaalinayaa inuu sare-u-kaco boqolkiiba sided sannadkan, kuna sii socdo sannadaha soo socda.

Diritaanka lacagaha

Shirkada Dahabshiil, si weyn ayey u dhirigelisaa horumarkaa, gaar ahaan barriga Afrika.  Dahabshiil oo la aasaasay sannadkii  1970 isagoo ganacsi yar ah, ayaa si weyn uga shaqeeyey hawlaha lacago dirista sannadihii  1980-kii. Maanta, Dahabshiil waxuu shaqo  xawaaladeed ka qabtaa in ka badan 150 wadan. Waxaanu gudbiyaa inta badan dhaqaalaha soomaalida qurba-joogu diraan sannad walba.

Waxuu sidoo kale hawlaha dirista lacagaha iyo arrimaha ganacsiga u qabtaa bulshada wadamo badan oo qaarada Afrika, sida Sudan, Uganda, Ethiopia, Djibouti iyo Rwanda. Maalgashiga qurba-jooga ayaa qeyb libaax ka qaata dhaqaalaha wadamadaa, oo marar ka bata dhaqaalaha gargaarka.

Dhab ahaan, weli dhaqaalaha gargaarka waa loo baahan yahay, gaar ahaan goobaha xasilooni-darada haysato. Shirkada  Dahabshiil waxay u shaqeeyaan ururo badan oo gargaarka ka shaqeeya geeska Afrika. Waxaan sidoo kale wax badan ka geysanaa hawlaha gargaarka laftayadu.

Tiirka dhaqaalaha Soomaalida

Sida wadamo badan oo Afrika ah, tiirka dhaqaalaha Soomaalidu guud ahaan waa ganacsiga xoolaha. Sida meelo kale ahna, ganacsiga iyo baayac-mushtarku waa tiirarka dhaqaalaha Soomaalida, oo guulo waaweyn ka gaadheen. Xoolaha Soomaalida, ay ka mid yihiin Adhiga, Idaha iyo Geela, aya qiimo sare taagan loona dhoofiyaa Sacuudiga iyo wadamo Barriga Dhexe ku yaal sannad walba xilliga xajka, iyo  xilliyo kaleba.

Sidoo kale, qeybaha kale ayaa kobcaya. Dirista lacagaha iyo isgaadhsiinta ayaa labaduba ku naaloonaya koboc balaadhan, isula jaanqaaday wadajir. Isgaadhsiinta telefoonada gacanta ee Soomaalida, sida meelo badan oo Afrika ah,  ayaa mid raqiis, la heli karo, laguna tiirsanaan karo ah. Shirkada  Dahabshiil ayaa suuqa isgaadhsiinta soo gashay sannadkii 2008, abuurtayna Somtel, isgaadhsiin mobile iyo internet xadhig la’.

Qaniimada dabiiciga

Dhaqaalaha wadamada Afrika badi waxa wada dhigaalka qaniimada dabiiciga. Ka faa’iidaysiga qaniimadaa ayaa udub dhexxda u ah horuarka Afrika, balse, waxuu sidoo kale sababi karaa in ganacsigii wadamadaasi ku foognaado dhinacaa keliya, halis u ah inkoboca dhaqaalahu saameyn ku yeeshaan isbedel dibedda ka yimaada. Kenya ayaa tusaale fiican u ah, inkastoo aanay lahayn macdano ama shidaal, ayey haddana ku dedaalaysaa inay la socoto suuqyada caalamka, dhiirigelisana ganacsi isu-dheelitiran.

Tamarta, dhismaha iyo warshadeynta ayaa sidoo ah ganacsiga xawli u kobcaya ee qaaradan, laakiin, mid kastoo ganacsigaa ah ayaan heleen horumarka, hadaan maalgashi uu joogteeyey xawaaladahu jirin. Qurba-jooga aya abadi xiiseeya maalgashiga qeybo dadka kale u yaqaanaan suuq jilicsan.

Waxa taagan Xilligan

FDI ayaa hoosta ka xariiqday sare-u-kaca dhaqaalaha Afrika, ha ahaato maalgashiga qurba-jooga ama kuwa wadamo xiisaynaya maalgashigaa. Dhulka Soomaalida, wadanka Turkiga ayaa si weyn uga hawlgala, iyagoo dhaqaale badan gelinaya dhismaha. Meelaha kale Afrika, dalka Shiinaha ayaa saameyn weyn ku leh, oo maalgashada badi dhinacyada tamarta iyo meelo kale, horumarkaa oo muhiim u ah wejiga labaad ee sare-u-kaca dhaqaalaha Afrika.

Dhab ahaan, muhiimada ugu weyn ee hantida Afrika waa dadkeeda. Qaarada aya ahoy u ah tirada dhalinyarada ugu badan aduunka, oo ugu yaraan ilaa 200 milyan ku jiraan da’da u dhexeysa 15ilaa 25, halkaa oo badankoodu marayaan waxbarashada dugsi sare kuwo ka sareeya.

Horitaanka bulsho ayaa noqon doonta udub-dhexaadka horumarka dhinacyo cusub, sida shiinaha iyo Hindiya noqdeen. U abuuritaanka shaqooyin waa muhiim, si kasta, shaqo-la’aanta dhalinyaradu meelo sare ayey maraysa awadamo badan, taasoo sabab u ah kacdono ka dhacay waqooyiga Afrika.

Waaya-aragnimadaa, gaar ahaan waxay muujinaysaa siday muhiim u tahay in aqoontu keento kobcinta xukuumadaha, urur goboleedayada, ganacsiga iyo abuuritaanka suuqyo cusub. Hadaan sidaa helo, 200 milyan ee dhallinyarada Afrika waxay ku naaloon doonaan fursado aan aabayaashood iyo awoowyadood aanay weligood ku fekerin.