JIGJIGA: Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro oo Mansabyo kala duwan lagu Marti-qaaday, iyada oo Hotel Gaar ah lagu kaliyeysiiyey Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Puntland.

Jigjiga (SLpost)- Xukuumadda Dhexe ee Itoobiya ayaa la sheegay inay guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland u soo dirtay martiqaad uu ku tagay Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo ka dhacaysa Jig-jiga, halka Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisa ay martiqaadka kaga qaybgalayaan xafladaasi uu u soo diray Madaxweynaha Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya.

IMG_0074Xarunta Dawlad-deegaanka Somalida Itoobiya ee Jigjiga, ayaa sannadkan Marti-gelinaysa isla markaana lagu qabanayaa Shirweynaha Qoomiyadaha Dalka Itoobiya, kaas oo la filayo inuu maalinta berri si rasmi ah uga furmo magaaladaas oo ay wakhtigan ku sugan yihiin Dadweyne lagu qiyaasay Boqolaal kun oo isugu jira madax iyo marti-sharaf lagu soo marti-qaaday.

IMG_0044Martiqaadyadan kala duwan ayaa sababay in Somaliland ay laba jeer kala tagto Jig-jiga, halkii ay ka ahayd in ay habmaamuska ay kala leeyihiin iyagoo huwan ay mar kali ah dalka ka baxaan maadaama oo ay huwan yihiin karamadii shacabka Somaliland, haddii kale sida imikaba muuqata waxa ay muujinaysaa karaamo darro iyo nidaam xumo iyo in hay’adaha dawladdu kala qobqoban yihiin.

Siilaanyo iyo Cirro ayaa u Muuqda kuwo khilaafkooda siyaasadeed kala weynaaday dantii qaranka, waxaana banaanka u soo baxay in ay labada Odey ku kala fogaaden khilaafkii ka dhashay isku shaandhayntii uu cirro ku sameyey golihiisa taasoo uu afka dhulka u daray Xildhibaano madaxtooyada gacan saar la lahaa sida uu Cirro ku eedeyey madaxtooyada uu siilaanyo ka arrimiyo.

DSC_0062Dhinaca kale, dawlad-deeganka Somalida Itoobiya oo xuska qoomiyadaha Itoobiya ku martiqaaday Maamul goboleedyada Somaliya ayaa Madaxweyne Siilaanyo Maanta Dajisay Hotelka uu degen yahay madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, halka wasiirada la socday la geeyey Hotelo kale.

Madaxweyne Siillanayo ayaa  kulamo kala duwan la yeedhay Af-hayeenka Barlamaanka Kililka Shanaad iyo Madax Sar-sare oo kale  kuwaasi oo ku booqday Hoteelka uu degen yahay, hase yeeshe lama oga arrimaha ay ka wada hadlee.

Dhinca kale madaxweyne Siilaanyo ayaa caawa ka qabygalaya xaflad balaadhan oo casho sharaf ah, taasi oo ay ka qayb galayaan dhammaan madaxda lagu soo casuumay Xuska Qoomiyadaha oo si weyn loogu xusayo Jig-jiga Taariikhda markii ugu Horeysay .

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta markii uu gaadhay Jig-jiga kormeer ku maray goobta xaflada Qoomiyadaha lagu qabanayo, iyada oo la soo mariyey lana soo daawadsiiyey shaaracyada iyo Dhismayaasha Cusub oo magaaladaas laga hirgeliyey, iyada ay madaxweynaha muddo wakhti ugu dambaysay inuu socdaal ku tago magaaladaas.

SOMALILANDPOST.NET