Jigjiga: Golaha Wasiirrada DDSI oo Go’aamo ka soo saaray Dhul Soomaaliyeed oo lagu daray Ismaamulka Canfarta Ethiopia

Jigjiga (SLpost)- Shir ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa lagu faaqiday qorshaha uga meel yaalla maamul ahaan Deegaamo ay ku nool yihiin Shacab Soomaali ah oo maamul ahaan ka tirsan Canfarta ee Dalkaasi Itoobiya.

Shirka ayaa lagu saaray go’aamo la xidhiidha arrintan oo muran xooggan oo isku-dhacyo shacabka laba qoomiyadood dhexmaray sababay. Saddex magaalo oo ay ku nool yihiin Shacab Soomaali ah ayaa hore loogu wareejiyey dowlad-deegaanka Canfarta, waxaanay shacabkani inta badan ka cawdaan takoor iyo faquuq uu ku hayo ismaamulka oo aanay ka helin xuquuqdooda.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE