Warbixin: Weriye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe
Waddada dhinaca Bari ka marta Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayay burburiyeen daadad ka dhashay Roobab waaweyn oo habeennadii u dambeeyey ka da’ay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo nawaaxigeeda. Waxa waddadaas soo gaadhay qasaare weyn oo uu u geystay Roobkii Habeen-hore ka da’ay magaalada.
Sannadkii hore xilligan xiligeedii ayay ahayd markii ay go`day Waddada dhinaca Bari ka marta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay jareen Roobakii hore ee xilliga Gu’ga wakhtigan wakhtigiisii, taasoo maalmo ay gonayd iyo sidoo kale dharaaro dhismeheedu socday aan la isticmaalin.
Haddaba, Roob habeen-hore magaalada ka da’ay ayaa dib u jray waddada dhinaca Bari ka marta Madaxtoyada ee qabata ama u kacda dhinaca Maxkamadaha oo geesta koonfur-bari wax yar kaga beegan Qasriga madaxtooyada, taas oo labadii habeen ee u danbeeyay uu Eebbe Raxmaadka inoo shubay ay wax yeelo soo gaadhay waddadaas.
Waddadaas qabata geesta Maxkamadaha, ayaa waxa ka muuqday burbur weyn oo soo gaadhay waddadaas, sidaa daraaddeed, Gadiidka kala duwan ee mari jiray ama mari lahaa jidkaas ayaa ka leexday ka dib markii ay burburka soo gaadhay awgii u mari kari waayeen, iyada oo jidkaasi ka mid yahay waddooyinka aadka loo isticmaalo hadday tahay dadka lugaynaya iyo hadday tahay Gaadiidka kala duwan ee taga Maxkamadaha haday sidaan Maxaabiis la gaynaayo Maxkamadda iyo hadday gaadiid kale oo si caadia u mara tahay-ba.
Waddadaas ayaa shalay gebi ahaanba wax Gadiida ahi aanay marayn iyada oo halkaas ladhigay Ciidamada Booliska oo waddadaas lagu xidhay dhagxaan ka samaysan Sibidh, iyada oo shalayna Dad mooyee aan loo oggalayn wax gadiida ahi inay maraan, iyaga oo haddii loo oggolaado inay isticmaalaan xattaa aan mari kareen Baabuurtu.
Jidkan ayaa Isku Xidha loona Isticmaala Taliska Asluubta, Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, Xarunta Madaxtooyada, Maxkamadah, Xeer-ilaalinta, Cusbitaalka Qaaxada iyo Wasaaradda Ganacsiga, sidoo kale jidkani waxa uu samayn ku yeeshay ardayda dhigata Iskuulka sare ee Faarax Oomaar. Iyada oo laagta yare e ay maraan biyuhu ay ka yimaddaan meel fog-fog.
Sidaa daraaddeed, maaha mid Si Hawl yar looga maarmi karo jidkaasi waxaanay ku taallaa meel marin u ah Boqollaal Baabuur iyo Kumanyaal Dadweyne ah. Jidkan oo bulsho badan iyo Gaadiid badan xannibay, waxaana burburka jidkani sababay in cidhiidhi badan iyo culays laga dareemo jidka wadnaha ah ee hor-mara Madaxtooyada iyo Daarta Baarlamanka dhexdooda.
Si kastaba ha ahaatee, dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa oo masuuliyadi ka saaran tahay inay si deg-deg ah uga hawlgasho jidadka noocan oo kale ah marka burbur ama dhibaatooyin kale ku yimaaddaan, ayaan weli u gacan-qaadin dib-u-dhiska waddadaas, isla markaana aan u muuqan inay si fiican ula socoto dhaawaca jidkaa soo gaadhay iyo xannibaadda uu keenay burburkiisu. Waxaanay taa beddelkeeda dawladda hoose ee Hargeysa u muuqataa mid ku mashquulsan rarista dadka danyarta ah ee ku ganacsada Suuqyada Caasimadda iyo eryashada Hooyooyinka Kolayada Qaadka qoysaska dhan ka masruufa oo tan iyo markii la bilaabay bannaynta hareeraha jidadka caasimadda iyo bakhaarrada magaalada hortooda maalin kasta baacsada dadka isku daya inay dib u fadhiistaan goobaha loo diiday inay ku ganacsadaan.
Hase-yeeshee, waxa habboonaan lahayd inay dawladda hoose iyada oo hawleheeda iyo masuuliyadaha saaran ee kale sideeda u gudanaysa, inay haddana wakhtiyada xilli roobaadka oo jidadka magaalada Hargeysa burbur iyo kala-kac badani ku yimaaddo ay la socoto Roob kasta oo da’aa meesha uu dhaawaca soo gaadhsiiyey, gaar ahaan dhinaca jidadka lagama maarmaanka yahay isticmaalkoodu ee magaalada dhexdeeda. Iyada oo jidkan burburay ee kor ku xusan marka laga tago ay jiraan waddooyin badan oo dhaawacyo sahlani soo gaadheen iyo kuwo daadadku qodeen oo u baahan kab-kab iyo buux-buuxin lagu sameeyo.