Jewiga Xil-wareejinno Is-barkan oo Saaka ka dhacay Wasaaradda Warfaafinta iyo Weedhihii Hadalladii laga jeediyey

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Cusub ee Wasaaradaha Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Iyo Horumarinta Biyaha Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa maanta munaasibad is-saar ah xilalka kula kala wareegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasibadda waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Afhayeenka Madaxweynaha, Agaasimaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha,Badhasaabka Gobolka Xayaysimo,Basaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex,Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Gudida Qandaraasyada,Mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda, Shaqaale weynaha Labada Wasaaradood ee Horumarinta Biyaha iyo Warfaafinta.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaadda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalin Xasan Maxamed Muuse iyo Ayaan Cabdirisaaq Jaamac oo u mahadnaqay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta sida wanaagsan ee uu ula soo shaqaynayey Shaqaalaha.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Masuul ka tirsan wasaaradda Horumarinta Biyaha Mustafe Maxamed Ciise iyo Agaasimaha Tvga Qaranka oo kalmado qiimo badan halkan ka soo jeediyey.

Waxa kaloo xafladaasi ka hadlay Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi Jeex,Xubno ka mid ah Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradahaasi,qaar ka mid ah Shaqaale weynaha Labada Wasaaradood ee Warfaafinta Iyo Horumarinta Biyaha .

Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha ayaa ka warbixiyey waxqabadkii balaadhanaa ee uu soo qabtay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali ayaa sharraxay waxqabadkii uga hirgalay Wasiirkii hore ee Warfaafinta ahna Wasiirka Biyaha.sidoo kale waxa uu Agaasimaha Guud qiray in shaqaalaha Wasaaradda Warfaafintu ay yihiin kuwo u hagar baxa hawlaha ay qaranka u hayaa.

Geesta kalena, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane Maxamed Muuse Diiriye haatana ah Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa wasiirka cusub ku wareejiyey waaxyaha kala duwan ee ay wasaaraddu ka kooban tahay,wasiirku waxaa kale oo uu ku wareejiyey idaacada fm.ta ee Gobollada.

Gabagabadiina waxa halkaasi hadal dheer ka jeediyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) horena u ahaa Wasiirkii hore Wasaaradda horumarinta Biyaha ayaa ka waramay Waxqabadkii u suurto galay mudadii xilka ka hayey Wasaaradda Horumarinta Biyaha.sidoo kalena waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay in uu si wanaagsan ula shaqayn doono.