Jewiga Xil-wareejin Maanta ka Dhacday Wasaarad Daranyarada ka Muuqata iyo Muhiimadda Wax-qabadkeedu kala Fogyihiin

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Cali Cilmi Geelle, ayaa maanta xilka Wasaaraddaas si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiirka Cusub ee madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wasaaraddaas Md Maxamed Jaamac Abgaal.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ku qabsoontay Xarunta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud, Agaasime-waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda, Masuuliyiin hore xilal u soo qabtay iyo Marti-sharaf kale, waxaana halkaas hadallo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Xasan Cumar Hoori, Wasiirka Xilka Wareejinayey iyo Wasiirka Cusub ee wasaaraddaas.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha Cali Cilmi Geelle oo madasha xil-wareejinta ka hadlay, ayaa ugu horeyn ka warramay qaybaha wasaaraddu maamul ahaan u kala baxdo, tirada shaqaalaha ka hawl-gala iyo duruufaha ku gedaaman hawl-gudashada masuuliyiinta wasaaraddaas, waxaanu xil-wareejintiisa ku wargeliyey wasiirka Cusub inaanay wasaaraddu lahayn gaadiid ay ku shaqayso.

WASAARADDACali Cilmi Geelle oo ugu horreyn ka warbixinayay tirada shaqaalaha, qaybaha wasaaradda iyo duruufo dhaqaale-darro oo wasaaradda hadheeyey, waxaanu yidhi,  “Wasaaraddu waxay leedahay saddex waxood oo waawayn. Agaasimaha maamulka guud, agaasimaha maamulka, agaasimaha waaxda isgaadhsiinta iyo agaasimaha waaxda Boosaha. Shaqaalaha ka hawl-galaana waa dhawr iyo siddeetan, ilaa 50 waxay joogaan caasimadda inta kalena waxay joogaan Goballada. Wasiir, xaaladda ay ku sugan tahay Wasaaradu waad iska ogaan doontaa. Waxaana Illaahay kaaga rajeynayaa dhibaatooyinkii na haystay ee aanu kala mid ahayn Wasaaradaha kale ee ay ka mid tahay dhaqaalo-darada iyo lacag yaraanta in adiga ay wax badan kuu furmaan. Wasaaraddaasi waa wasaarada qudha ee  xataa Wasiirkeedu aanu lahayn gaadiid. Sababtu waa maxay? Gaadiidkii yaalay isagoo xun ayaan u imi ilaa maantana sidii ayuu u xun yahay, waxaanan filayaa inaad gaadiid fiican aad hesho haddii alle ka dhigo.”

Cali Cilmi Geelle waxa uu ku dheeraaday sababaha keeni kara in madaxweynuhu xilka ka qaado masuul uu hore u magacaabay, waxaanu yidhi, “Waxay dadku na waydiiyaan, maxaa lagugu galay ee dhacay oo marka isku shadhayn la sameeyo maxaa lagu beddelaa ee aad samaysay ama aad qaribtay? Dadkaas waxaan ugu jawabaa idinkana aan idin leeyahay; Horta dad Muslim ah ayaynu nahay, waxaynu rumaysan nahay wax la yidhaahdo qaddar oo kolayba gacanta Illaahay ayuu ku jiraa. Maalinta lagu magacabayo Illahay ayaa og, maalinta aad ka tagaysana Illahay ayaa og, isago markaas soo marinaaya ciddaas markaa masuulka ah ee Madaxweynaha ah. Haddii sabab la raadiyo qofka waxa uu Madaxweynuhu uu xilka kaga qaado way badan yihiin. Waxa ugu wayn in Ninkaas Masuulka ahi ee Madaxweynuhu magacaabay uu ku takrifalo si aan sharciga waafaqsanayn ama baalmarsan awoodaas la siiyey waa laga qadayaa xilka. Waxa kale oo ka mid ah isagoo Ninku aanuu samayn khalad, ayay duruufo Siyaasadeed awgeed Madaxweynaha ula muuqan-kartaa inuu qofkaas beddelo oo qof kale ku beddelo ama beddelkiisu uu xal u keeni karo arrin markaas hortaagan isaga.”

WASAARADDDACali Cilmi Geelle waxa sharraxaad hoga-tusaaleyn ah uu Wasiirka cusub ugu soo jeediyey xilka loo magacaabay iyo caqabadaha uu leeyahay mansabka uu masuuliyadiisa la wareegay. “Maxamed Jaamaca Abgaal (Wasiirka Cusub) waxaan leeyahay maanta laga bilaabo waxa aad soo gashay deyrkii maamulka. Deyrkaa wayn ee aad soo dhex-gashay maaha mid wada ubaxa, qodxana wuu leeyahay. Maxamed Jaamacow shalay haddii aad Hargeysa joogtay iyo Boorama ciddii kaa soo hor-baxdaaba si niyad ah ayay kuu salaamaysay, maanta laga bilaabo waxa ku bilaabmi doonta dadkii shalay ku salaamayey oo qaarkood wejiga kaa dad-baan. Sababtu waa maxay? Maaha xumaan adigu aad samaynayso ee dadkeena waxa ka dhaadhacsan fikrad oo waxay aanay fahsanayn Wasiir-nimadu Waxay tahay. Marka qofka Wasiir laga dhigo waxay u haystaan inuu waxkasta helikaro. Dadka aad isa-seegaysaan waxa ka mid ah kuwa rumaysan intay kuu yimadaan maanta, Berrito marka aad kursiga la wareegto ayuu bilaabmaya faylkii sheexaadka; Axmedow horta tobankii shidaalka isii. Waxa aad masuul ka tahay Axmadow maanta laga bilaabo Reerkaas aad magaciisa ku joogto,” ayuu yidhi Wasiirkii hore Boosaha iyo Isgaadhsiintu, waxaanu intaas ku daray isaga oo sharraxaad ka bixinaya mustaqbalkiisa siyaasadeed, “Haddii aan mawqifkayga Siyaaadeed ka hadlo. Waxaan idiin sheegayaa inaan la jiridoono cidkasta oo jecel nabad-galyada iyo horumarka Somaliland. Immika waxaan ka tirsanahay Xisbiga Kulmiye, waxaanan ka mid ahay Xisbiga Kulmiye oo anigu ma ihi dadka socodka badan, markaa waxaan rajeynayaa inaan halkaas iska sii joogo haddii Alle ka dhigo.”

Ugu dambayntii waxa uu Wasiirkii hore ee Boosuhu Baaq u jeediyey Madaxweynaha Xilka ka qaaday iyo Shacabka Somaliland. “Waxaan Madaxweynaha aan leeyahay maanta ka beel ahaan Ninkaas aad  beesha u soo magacowday waxaan ku sheegayaa inaanu la shaqaynayno sidii uu noola shaqeeyay oo kale. Waxaan leeyahay shacabka Reer Somaliland waad mahadsan tihiin meelkasta oo aad joogtaan, waxaana ku mahadsan tihiin garashada Illahay ina garansiyey ilaalinta nabad-galyada. Waxaan idin xasuusinayaa inaad ilaashataan nabad-galyadiina oo haddii nabad-galyo la waayo Wasiir la baddelayaa ma jirayoo. Xilkuna waa meerto oo Nin-ba maalin ayuu hayaa,” ayuu yidhi.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Boosaha iyo is gaadhsiinta Md Maxamed Jaamac Abgaal oo intaas ka dib hadalka qaatay, ayaa iftiimiyey jewiga uu kala kulmay wasaaradda iyo Xayndaabkeeda, waxaanu tilmaamay Qiimaha ay magac ahaan wasaaraddu leedahay iyo heerka ay taagan tahay aanay islahayn. “Waxa ugu wayn ee aan dareemayaa Caliyow markii aan Wasaaradda albaabka ka soo galaayey maad garanayn inaad Wasaaradii Boosaha iyo in kale. Waxaana qirayaa in Wasaaraddan magaca sida fudud lagu sheegaayo inay ka qiimo badan tahay marka laga hadlaayo is gaadhsiinta. Anigu waxaan odhan lahaa waa wasaaradda dhalinyarada iyo waxbaarshada iyo Warfaafinta haddii ay wayaan is gaadhsiintan casriga ah mid wax u dhaqaqayaan majiraan,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Gaadiid malaha waa wax laga xishoodo oo aan maanta halkaas kaga baxo Cali iguma wareejinayo,. Illahay idankii aniga iyo Agaasimayashayduba waanu helaynaa. Waa in basas yar-yar oo shaqada inoo fududeeya aynu helnaa.”

Wasiirka Cusub ee maanta xilka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta la wareegay, ayaa noqonayaa masuulkii Afraad ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabo tan iyo intii Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ku guulaysatay hoggaaminta talada dalka, waxaanay wasaaraddani ku suntan tahay inaanay marnaba ka badbaadin Saddex jeer ee Madaxweyne Siilaanyo Digreetooyinka Magacaabista iyo xil-ka-qaadiska ku sameeyey golihiisa Wasiirrada, waxaana uga horreeyey Mansabkan, marka laga yimaaddo Wasiirka uu xilka kala wareegay, Cabdirisaaq oo ah Masuulkii ugu horreyey ee madaxweynuhu xilka u magacaabay markii talada dalka qabtay halka Axmed Xaashi Oday uu ahaa wasiirkii labaad ee wasaaraddaas.

SOMALILANDPOST.NET