Jariiradda ‘Foreign Policy’ oo Baahisay Qoraal Garnaqsi oo Madaxweyne Siilaanyo Beesha Caalamka ugu soo bandhigay Mawqifka Somaliland

Washington (SLpost)-  “Xaqiiq ahaan, adduunku fiiro badan ma siin jaarkooda ku deyashada mudan. Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku naaloolaysaa xasilooni ka duwan. Ka dib markii ay doorteen inay la midoobaan Soomaaliya, ka dib qaadashadii xornimadeeda oo aanu kala ahayn laba maxmiyadood oo Ingiriis iyo Talyaani ah, shacabkaygu waxay dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda sannadkii 1991, halka jaarkayagu sii dhex muquurtay qalalaase dagaal. Ilaa wakhtigaa, Somaliland waxay ahayd jasiirada maamul-wanaaga, xasiloonida iyo nabadgelyada Geeska Afrika. Ma jiro gabbood argagaxisadu ay dalkayaga kaga dhuumato, xeebahayagana budhcad-badeed ma joogo. Khubarada beesha caalamku waxay ku taliyeen in aqoonsi siyaasadeed Somaliland hesho, balse, weli taageero Maraykanka iyo kuwa kale aanu uga helay madaxbanaanidayada iyo aqoonsiga ma hayno.” Sidaa waxa lagu bilaabay qoraal-garnaqsi Madaxweyne Siilanyo oo lagu baahiyey jariidada Foreign Policy oo ka soo baxda Dalka Maraykanka.

Sawir Somaliland

Link-ga Hoose Guji Garnaqsiga Madaxweynaha oo Luqadda English ku Qoran

Foreignpolicy.com