“Jamaalow meesha waxba kuuma yaalane yaan wakhtiga lagaa lumin” Suldaanka Guud Oo Talo Siiyay Musharax Jamaal

Hargeysa(SLpost)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa musharaxa bisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ugu baaqay in wakhtigan loo baahan yahay inuu iskaga tago xisbiga Ucid ee uu musharaxa ka yahay oo uu ku tilmaamay mid shaqsi uu leeyahay oo aan Somaliland waxba u qabanayn.

Waxa uu suldaanka guud sheegay inuu iskaga huleelay xisbigaas una arko mid shaqsi leeyahay, waxaana isaga oo talo u soo jeedinaaya uu yidhi “Xisbig Ucid waa mid shaqsi uu leeyahay, xisbigaasi umadda waxba uma aha waxna u qaban maayo ninkii musharaxa xisbigaas u ahaa ayuu maanta dad kale ka dulkeenay, waxaan leeyahay Jamaal Cali Xuseen anigu ceelka guntiisa waan ogahay yaan been lagugu haasaawin ee hadii aad run doonayso aniguba meesha waan iskaga dhaqaaya ee Jamaalow meesha waxba kuuma yaalane yaan wakhtiga lagaa lumin ee adiga iyo dadkaaga iyo helkaaguba xisbigan Waddani isaga soo biira.”