Jamaal iyo Somaliland

Saaxiibkay Jamal Ali Hussein waa ruux wanaagsan, daacad ah, aammin ah, gacan furan oo weli ba arrimaha samafalka si mug leh oo aan istus ahayn wax uga geysta. Maaha afmiinshaar siyaasadeed oo beenta Soomaaligu ku caanomaalo ka midhodhalin kara. Waxaan ogahay inuu yahay nin xilka loo dhiibo ee weli ba xirfaddiisa dhaqaalo yahan la xidhiidha si wanaagsan uga soo dhalaali kara. Wuu ku wanaagsanaa inuu Somaliland hoggaamiyo, in Somaliland se ku wanaagsan tahay hoggaamintiisa ma hubo. Maxaan taas uga jeedaa? Haddii uu helo madaxtinnimada dalka astaamahiisa aan kor ku xusan oo dhammi waa u dan iyo sed Somaliland. Somaliland se maaha meel astaamaha Jamaal u heellan, maaha meel u baahan daacadnimo, xilkasnimo, deeqsinnimo, aqoon dhaqaale. Waa meel u baahan tolla’ay, hoognay oo la ina dhac, reerkeennii qadoodi buu ku dhacay iwm.

Maanta Jamaal waa hoggaamiye u sharraxan xisbiga Ucid, mar hore na wuxuu iska sharraxay Udubtii hadhay. Labada xisbi ee uu iska sharraxay iyo kan kale ee imika la kala jiidanayo ee dalka xukuma iyo Waddani ba waa dhitada ugu mudan ee Somaliland ka hesho, ku faanto isku na dhaydo. Waa xisbiyo ku indhakuusha reerkeenna xaqiisa aan se u taagnayn muwaadinka xaqiisa. Maaha meelihii Jamaal xirfaddiisa iyo qofnimadiisa hagaagsan lagaga faa’iidaysan lahaa ee dalka iyo dadku horumar iyo horusocod kaga dheefsan lahaa.

Jamaal haddii uu talo i weydiin lahaa Udub gal ma idhaahdeen, haddii uu galayna Ucid uga wareeg ma idhaahdeen. Waxaan odhan lahaa ururradii la furanayay mid cusub, baroo ah, aan taws iyo xanuun reer fuulin ka dhex samayso oo ayaankaaga ka qaad.

Maanta haddii uu talo i weydiiya na waxaan odhan lahaa Ucid muruq, maal iyo maskax dambe ha inaga gelin. Intii hore khasaare ha inoogu fillaato. Inoo dhawr maan, muruq iyo maal ba tan iyo 2020ka. Dharaartaas wixii nool urur cusub binayso oo bulshada ka iibi hibadaada iyo aqoontaada dalka iyo dadku u baahan yahay.

Habeen uu Jamaal hadal ka jeediyay jaamacadda Hargeysa ayaa warkiisii aan erayo aad ii soo jiitay ka helay. Wuxuu sheegay in lacag ku siman 500 malyuun oo doollar Hargeysa dhex fadhido. Haddii buu yidhi lacagtaas dalka looga faa’iideeyo wax badan ayay shaqo la’aanta iyo dhaqaalo xumaanta ba ka tari lahayd.

Arrintaasi aad bay ii soo jiidatay, waxaan u diray farriin oo weydiiyay bal sida lacagtaas dalka loogaga faa’iidayn karo. Jamaal wuxuu iiga warramay lacagaha Hargeysa dhex fadhiya, waa kuwa xawaaladaha ku xeraysan, waa kuwa barkimooyinka ku hoos jira, waa kuwa dadku jeebabkooda ku sitaan. Lacagahaasi buu yidhi Jamaal wax ba ma qabtaan, waa iska fadhiid. Hadda ba haddii la sameeyo bangiyo caalami ah oo dalka laga furo lacagtaasna lagu xereeyo faa’iido badan ayaa u soo baxaysa waddanka. Lacagtii meel iska fadhiyi mayso, waa la amaahanayaa, way wareegaysaa, way shaqaynaysaa, wershedo, beero, guryo, xoolo, kalluun, milix wax walba waa lagu qabsanayaa.

Maxaa hortaagan baan idhi? Ogow buu yidhi in aan xeerkii bangiyadu ku shaqayn lahaayeen golaha wakiillada sannado badan gees na u dhaafin. Waxaan keeni lahaa buu yidhi anigu(Jamaal ahaan) ugu yaraa laba bangi oo caalami ah. Jabuuti waxa fadhiya saddex sannadood bangi sugaya in xeerkaas la dhaqangeliyo.

Maxaa golaha wakiilladda ka hortaagan inay sameeyaan xeer dalka iyo dhaqaalihiisa waxtar u leh? Maxaa xisbiyada ka hortaagan inay xeerkaas iyo kuwa la mid ah u hawlgalaan oo dhaqangeliyaan? Maxaa siyaasigeenna ka hor taagan inuu feker bulshada faa’iido u leh inoo keeno?

Xilligan la joogo Somaliland iyo xisbiyadeeda iyo siyaasiyiinteedu way isu qalmaan, wixii dibudhac dalka ku dhacaa waa ayaankii illayn isagaa soo saaray oo doortay oo raalli ka ah maskaxo noocaas u shaqeeyee, Jamaal se inta Somaliland u qalmayso ee aqoontiisa nooga faa’iidee odhanayso ha ka nasto siyaasaddeeda u baahan in cudur reer laga hogeeyo.