Jamaal Cali Xuseen oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey Hargeysa, Xukuumadda oo Carqaladaysay soo-dhawayntiisa iyo taageerayaal la xidh-xidhay (DAAWO BILICDA SAWIRRADA)

Hargeysa (SLpost)- Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu kaga soo laabtay socdaal uu muddo bil iyo dheeraad ah ugu maqnaa Waddamada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Taageerayaal tiro badan iyo Masuuliyiinta Sare-sare ee Xisbiga UCID oo ku gaashaaman calanka iyo astaanta Xisbiga, ayaa saaka Subaxnimadii abaaro 6:30 isku diyaariyey Garoonka diyaaradaha iyo waddamada ka timaadda Garoonka ilaa Xafiiska UCID oo ku yaala xaafadda Jig-jiga ee Hargeysa, halkaas oo markii dambe loo soo galbiyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ay ku sugnaayeen taageerayaal tiro badan.

UCID IYO SOO DHAWAYNTA (18)Haseyeeshee, markii taageerayaasha iyo Madaxda Xisbiga UCID soo gaadheen badhtamaha magaalada gaar ahaan waddamada Hormarta madaxtooyada, waxa hor-istaagay isla markaana dabbaal-deggooda ka dhex-galay Ciidamo boolis ah oo hor istaagay in Murashaxa iyo Gaadiid tiro badan oo ay wateen madaxda iyo taageerayaasha soo-dhaweeyey Jidka Wadnaha magaalada ee hor mara Madaxtoodayada, kuwaas oo ku amray inay u leexdaan Jidka dhinaca Woqooyi uga baydha Isgoyska Madaxtooyada.

Ciidamada booliska ayaa rasaas nool-nool ula badheedhay madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga UCID, iyadoo Ciidamo tiro badan oo RRU ahna lagu jaray jidka islamarkaana in Muddo ah halkaasi lagu hor taagnaa ilaa markii dambe lagu khasbay inay ka wareegaan jidad ka fog halkaasi. Waxaanay ciidamadu xabsiga u taxaabeen taageerayaal ka tirsan Xisbiga.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sheegay inay jiraan Dhaawacyo loo gaystay Taageerayaashooda iyo dad Boolisku xidhxidhay, waxaanu ku gooddiyey inay tallaabo ay qaadi doonaan haddii sida ugu dhakhsaha badan loo sii deyn waayo taageerayaasha xisbiga ee la xidh-xidhay.

“Waxaanu Shacabka reer Somaliland ee wanaagsan u sheegaynaa in maanta Xukumaddu dhaawac iyo Khasaare u gaysatay Taageerayaasha Ucid badhna ay xidhan yihiin. Shalay ayaanu warqad u qornay oo aanu u sheegnay inay Ciidanka Booliska iyo ka nabad galyada wadooyinkaba ay nala socodsiiyaan in musharaxu soo degayo. Waxaanu la socodsiinaynaa in haddii ay 24 Saac ku soo dayn waayaan aanu Jeelka kala soo bixi doono,” ayuu yidhi Xoghayaha Ucid ee Warfaafintu.

Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambaysay tallaabada ciidamada ammaanka loogu adeegsaday taageerayaasha xisbiga UCID.

“Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, waxaa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarada nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo Dariiqyada. Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxaa Xabsiyada ku xidhan XIldhibaanadii Bulshadu dooratay oo iyagoo aan Xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

DAAWO SAWIRRADA

UCID IYO SOO DHAWAYNTA (21) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (20) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (19) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (17) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (16) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (15) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (14) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (13) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (12) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (11) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (9) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (8) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (7) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (6) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (5) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (4) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (3) UCID IYO SOO DHAWAYNTA (2)