Jamaal Cali Xuseen oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Heathrow Aiport iyo Nuxurka Kulamo uu la qaatay Madaxda Xisbiga ka hor intaanu safar ugu amba-bixin Waddanka Maraykanka

London (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo-dhawayn ballaadhan loogu sameeyey Gegida diyaaradaha Heathrow Airport ee magaalada London oo uu gaadhay habeenimadii Arbaca ee taariikhdu ahayd 29-kii bishan October, isaga oo maalintii Isniinta ka tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa.

Jamaal_UK (8)Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo xilli habeenimo ah diyaaraddu la caga-dhigatay garoonka Heathrow ee London, waxa madaarka kaga hor-tagay Madaxda Xisbiga UCID ee dalka UK qaybihiisa kala duwan oo isugu jira hoggaanka sare ee Xisbiga u qaabilsan UK, Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyarada Xisbiga UK, xubno ka tirsan Taageerayaasha Xisbiga oo gobollada dalkaas isaga kala yimi soo-dhawaynta Murashaxa iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Somaliland eek u sugan dalkaas oo isugu jiray taageerayaal ka tirsan xisbiyada kale ee Qaranka.

Soo-dhawaynta ka dib, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu kulan casho-sharaf ah la qaatay Madaxda Xisbiga ee dalka UK iyo xubno ka tirsan Qurbejoogga, waxaanu uga war-bixiyey xaaladda dalku ku sugan yahay wakhtigan qorsheyaasha xisbiga uga yaala murannada siyaasadeed ee axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda ugu dhexeeya khilaafka sharci ee ka aloosan golaha wakiillada.

Murashaxa Xisbiga UCID oo safarkiisu ku wejahnaa dalka Maraykanka, waxa uu kulamo gaar ah la qaatay masuuliyiinta xisbiga ee dalka UK oo uu kala hadlay arrimaha xisbiga iyo hawlaha horyaalla xisbi ahaan sidii ugu diyaar-garoobi lahaayeen, waxaanu ku boorriyey, marka laga yimaaddo Arrimaha Xisbiga, inay taageerayaasha kale ee Axsaabta Somaliland horseed u noqdaan sidii ay tusaale lagu daydo ugu noqon lahaayeen sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen dhammaan jaaliyadda Somaliland ee waddanka UK si ay ugu midoobaan Qadiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu isla xalayba socdaal shaqo ugu baxay waddanka Maraykanka, halkaas oo la filayo inuu kulamo kula soo qaato taageerayaasha Xisbiga UCID ee Woqooyiga Amerika iyo guud ahaan Jaaliyadda Somaliland ee halkaas ku dhaqan.

SOMALILANDPOST.NET