Jamaal Cali Xuseen Oo Naqdiyay Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyay Xuskii 18-ka May

London, (SLpost)- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay khudbaddii madaxweyne Siilaanyo ka jeediyay sannad-guuradii 24-aad ee kazoo wareegtay maalinta gooni isu-taaga Somaliland ee ka qabsoontay magaalada Hargeysa.jamal

Jamaal Cali Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada London waxa uu naqdiyay, isla markaana uu dul is-taagay qodobo ka mid ah khudbaddii 18-ka May ee madaxweyne Siilaanyo.

Musharax Jamaal ayaa ugu horeyn naqdiyay qodobo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi.  “Dalalka dimuqraadiga ah waxa lagu yaqaanaa marka uu madaxweynuhu meel khudbad ka jeediyo waa la naqdiyaa, markaa waxaan leeyahay madaxweyne midbaad ka tagtey waxaad ka tagtey inaad shacabka u sheegton in in ka badan shan boqol oo guri oo ay dawladdu lahayd oo ay ku jiraan ilaa kuwii Ingiriisku dhisay inay xukuumaddaadu iibisay, dhaqaalihii kazoo baxay guryahaasna ilaa hadda aan la garanayn meel ay mareen. Madaxweyne waxaan leeyahay taasi waxay baal-marsan tahay sharciga . madaxweyne khudbaddaada waxa ku jirtay oo aad tidhi miisaaniyaddii dalka waxaan kordhiyay afar laab, iyadoo aanay jirin wax cashuur ah oo la kordhiyay, kaasi waa hadal xaqiiqda ka fog madaxweyne cashuur aad u badan ayaa dadka lagu kordhiyay ee malaha waanad ka war hayn afar ilaa shan jeer ayaa cashuurihii la’laba-laabay, meelaha qaar toban jeer ayaa la’laba-laabay waana wax caddeyntoodii la hayo, miisaaniyadda dalka waad kordhisay, laakiin miisaaniyadda dawladda oo korodhay waa kharashkii dawladda oo kordhay ee dhaqaale muu kodhin. Madaxweyne waxaad tidhi markii aan dalka qabsaday qasnad madhan ayaan ugu imi, dal aan jirin baan u imi, waddooyin  baaba’san baan u imi, waxyaabaha qaarkood waa run oo qasnad madhan waad ugu timi,”

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka caalamka iyo dibu dhaca doorashooyinka, waxaanu yidhi. “Madaxweyne waxaan doonayaa inaan kuugu daro in madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu miligihiisa leeyahay dal wuxuu kugu wareejiyay midaysan bari ilaa galbeed oo wax dagaal ama dhibaato ahi aanay ka jirin, wuxuu kugu wareejiyay dal uu shan doorasho oo xalaal ah uu soo sameeyay oo indhaha caalamka inoo soo jeediyay, taas wuu ku ammaanan yahay, madaxweyne wuxuu kugu wareejiyay dal uu heshiis wanaagsan iyo saaxiibtinimo wanaagsan laleh waddamada jaarka iyo beesha caalamka, maanta waxaynu ognahay, labadaasba inuu dhaawac weyni soo gaadhay in dalkeena ilaa intii aad gadh-wadeenka ka ahayd aynu doorashadii baarlamaanka qaban kari weynay, guurtida 24 sanno ay bilaa sharci ku fadhido, imikana aynu bilaa sharci galayno, madaxweyne miyaanay ahayn inaynu noqonayno qaran dhan oo bilaa sharci ah. Madaxweyne waxaad tidhi guurtidu go’aankii ay gaadhay waa mid dastuuri ah, waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo 2009-kii markii aad kordhinta ka hadlaysay waxaad tidhi guurtida go’aankeedu waa xaaraan mid la aqbalayana maaha, mid aan aqbalayana maaha, markaa madaxweyne markaad mucaaradka tahayna maaha inaad sidaa u hadashid markaad kursiga ku fadhididna inaad qaladka guurtida ku raacdo maaha.”

Somalilandpost.net