Jamaal Cali Xuseen oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga UCID

Hargaysa(SLpost)-Murrashaxa madxwayne nimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga mucaaridka ah ee Madaxwaynenimo ee loolanka Murrashaxnimo.

Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta kula hadlay ayaa khilaafka xisbiga UCID ku eedeyay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye isagoo ku sababeyay in la doonayo in la baabiiyo xisbiga UCID.

Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in aanu xisbiga UCID ka tagay balse uu murrashax yahay sharciga xisbiguna u ogolaanayo,Faysalna  uu guddomiyaha xisbiga yahay.

Waxa kale oo uu sheegay in hadda lagu jiro waanwaan xisbiga dhexdiisa iyo madaxdhaqamed taasina ay ka war sugayaan.

 

https://www.youtube.com/watch?v=vLy64FzF_fg

 

Hadalkan Murrashax Jamaal Cali Xuseen ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu shalay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe sheegay inaanu jirin wax u diidaya inuu is sharaxo.

Xisbiga UCID ayaa bilihi ugu dambeeyay waxa dhex yaalay khilaaf u dhexeeya murrashaxnimada iyadoo taasi sababtay inuu xilkii iska casilo Cabdirashiid Xassan Mataan oo ahaa murrashaxii madaxwayne ku xigen ee xisbiga UCID.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa Office