Jamaal Cali Xuseen oo Heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda ku mesaalay Sheeko Dhexmartay JUXA iyo Qoys uu Digsi ka ammaanaystay

“Anagu UCID Ahaan Waxaanu U Arkaynay Marka Hore-Ba In Xukuumadda Iyo Baarlamaanku Ay Is-Wateen” – Jamaal Cali XuseenHargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Heshiiskii xilliga doorashada lagu muddeeyey ee dhowaan dhexmaray Xisbiyada iyo xukuumadda ku masaalay Sheeko dhexmartay Ninka ugu caansan ee Diiwaanka Sheekooyinka Dunida Carabta iyo Soomaalida ee JUXA iyo Reer ay jaar ahaayeen oo macaamil xagga wax-kala-ergisashada ahi dhexmaray.

Sida uu sheekadan ku soo tabinayo Jamaal Cali Xuseen oo ku baahiyey boggiisa Facebook, Juxa waxa uu reerka ka ergisan jiray Digsida wax lagu karsado oo markii uu muddo isticmaalayey damac ka galay, dabadeedna uu sameeyey farsamo khiyaamo ah oo uu reerka kaga samirsiiyo digsigooda.

Sida laga dhadhansan karo nuxurka sheekada ku jira, waxa uu Jamaal ku mesaalay sheekadan Sida ay xukuumaddu ay Xisbiyada Mucaaradka ugu khiyaamaysay heshiiskaas oo aan ilaa wakhtigan la fulin.

Sheekadan oo uu Jamaal Cali Xuseen Ciwaan uga dhigay (Somaliland Vs Juxa : Sheekadani Waxay Shabahdaa Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Xukuumadda), waxa uu ku bilaabay sidan:- “Sheekadan waxaan daabacay September 15, 2009 kii berigii ay xumadda doorashadu ka socotay Somaliland, laakiin waxaadba moodaa in ay xaaladda imika taagan kaga haboon tahay. Meesha ay leedahay ee ay aad u shabahdaana waa heshiiskii ugu danbeeyey ee Xisbiyadda Mucaaridku la galeen xukuumadda bishii aynu soo dhaafnay ee May 2015 kaasoo aan ilaa hadda la hirgelin. Idinka ayaa turjuman doona dulucda ujeedadda sheekadda iyo barta ay abaarayso. Sheekadiina waxay ku bilaabmaysaa sidatan.

Beri hore ayaa waxaa la yidhi ninkii Juxa ayaa Digsi aad u weyn oo reer lahaayeen ayuu kasoo amaanaystey. Digsigaasi oo ahaa mid karistiisu ay aad u macaaneyd. Digsigii buu u celiyey reerkii markuu ka dhamaystay, haddana dhowr jeer oo danbe ayuu sidoo kale uga soo amaaneystay oo haddana u celiyey. Haddaba maalintii danbe ayuu damaaci weyni galay oo uu isku yidhi “waar tolow sidee baad digsigan isaga haysataa, ileyn waa bahalkan karista macaane.” Maalintii danbe ayuu “fikrad cusub” la yimid, micno ahaan qorshe weyn oo uu Digsigga ku haysto. Haddana reerkii ayuu ka soo amaanaystey Digsigii markan isagoo ay wax ugu hoos laaban yihiin arrinkan. Markuu ka dhameystay ayuu sidii caadada ahayd u celinayaa reerkii, laakiin markan Digsi yar ayuu u dhex dhigay koodii weynaa. Markuu sidaa uga dhaqaaqay ayay reerkii arkeen Digsigan yar ee dhex jiifa koodii. Intay Juxa u yeedheen ayay ku yidhaahdeen; ‘waar ninyahow Digsi yar baad ku dhex iloowday kii weynaa’, intuu Juxa sidii wax ilaaway u soo booday ayuu yidhi; ‘Raalli ahaada waan idinka ilaaway inaan idiin sheego, inuu Digsigiinii dhalay kan yar!’, markaasuu isla markiiba dhaqaaqay, dadkii oo yaaban oo weli sidii Juxa u sii eegaya oo afka u kala haya ayaa wax hadal ah aan la gaadhin Juxa, halkaasoo uu isagiina ka huleelay una dhaqaaqay goobtii uu ku noolaa.

Haddaba Juxa ileeyn waa nin qorshe watee dhowr jeer oo danbe ayuu Digsigii sidii u amaanaystay oo celiyey mar walba. Dadkiina ay isleeyihiin Digsiga siiya ileeyn waaba nin awliyoo waa intaasoo uu qaar kale dhalaaye. Haddaba markii danbe ayuu Digsigii Juxa iska haysanayaa halkuu ka celin lahaa. Reerkii oo xayraansan oo guuraya ayaa u imanaya Juxa iyagoo codsanaya inuu Digsigoodii deg-deg ku siiyo. Juxa intuu markana iska dhigay sidii nin wax ilaaway oo aan war ogeyn ayuu odhanayaa; ‘Alla, oo waan idinka ilaaway inaan idiin sheego in Digsigiinii uu dhintay!’ Reerkii oo naxsan baa markiiba la soo boodaya; ” Waar bal wuxuu noogu sheekaynayo eega sideebaa Digsi u dhiman karaa?”;

Haddaba Juxa markan intuu dhoola cadeeyo ayuu odhanayaa; ‘Dee siduu markii horeba wax u dhalay ayuun buu imikana u dhintay,’ Eesh qiyaasak!”