Jamaal Cali Xuseen oo hambalyo u diray Shacbiga Reer Somaliland, Rejo Fiicanna ka muujiyey Guul Xisbiga UCID ka gaadho Doorashada

London (SLpost)- Musharaxa Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu Hambalyo u ku aaddan Ciidal-Fidriga u dirayaa dhammaan shacbi-weynaha Somaliland iyo ummadda Islaamka.

Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu rejo fiican ka muujiyey in Xisbiga UCID iyo Murashaxiintiisu Guul ka gaadhi doonaan Doorashada Goleyaasha deegaanka ee la filay inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada Sannadkan.

War-saxaafadeed kooban oo Murashaxu ka soo saaray isaga oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa u dhignaa sidan:

“Waxa aan Shacbiga Somaliland iyo Umadda Islaamka ugu hambalyeynayaa Munaasibadda Ciidal Fitrida waxaanan Illaahay uga baryayaa dhammaantood inuu ka aqbalo camalkii suubannaa, ciiddan ciideedana inagu gaadhsiiyo Nabad-gelyo, Caafimaad iyo Camal Suubban.

Sidoo kale waxa aan ku hambalyaynayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Asxaabta/Urrurada Siyaasadda cayimaadda wakhtiga Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland oo aan rajeynayo inay ku qabsoomi doonto wakhtiga loo qorsheeyay si nabad ah, iyada oo Xisbiga UCID iyo Musharixiintiisa Golaha Deegaankuna noqon doonaan kuwa hanta guusha ugu badan ee Goleyaasha Deegaanka dalka, eebbe idamkii.”

Allaa Mahad Leh,

Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga UCID

London, UK