Jamaal Cali Xuseen oo Dawladda Ingiriiska hordhigay Ashkato ka dhan ah Ciidamada RRU-da iyo Qodobbo kale

jamaalHargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay saraakiil sar-sare oo ka tirsan laamaha ammaanka, sirdoonka dalkaas iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Jamaal Cali Xuseen oo wehelinayeen masuuliyiin ka mid ah Xisbiga UCID, waxa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku qaabilay, saraakiil sare-sare oo ka tirsn Waaxaha Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalka Britain.

Lama oga waxyaabaha kulankaas ay madaxda Xisbiga UCID kala hadashay Saraakiisha dawladda Ingiriiska, haseyeeshee sida uu noo xaqiijiyey Jamaal Cali Xuseen oo Khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo isaga oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska xalay, waxa uu sheegay inay kala hadleen muwaawimooyinka dawladda Ingiriisku ku taageerto Somaliland, cabasho ay ugu gudbiyeen wax uu ku tilmaamay tacaddiyo ay bulshada u geystaan ciidamada RRU-da oo taageero dhaqaale iyo mid farsamoba ka hela dawladda Ingiriiska.

Waxa uu sheegay inay u soo bandhigeen isla markaana ay kala hadleen qodobbo ay ka mid yihiin Kor-uqaadista Xidhiidhka u dhexeeya waddamada Somaliland iyo Ingiriiska iyo sidoo kale arrimaha Doorashooyinka.

Jamaal oo ka jawaabayey su’aal aanu ka weydiinnay waxa uu ku saabsanaa kulanka dhexmaray madaxda dawladda Ingiriiska, waxa uu yidhi, “Walaal, khadarow, runtii kulan muhiimad wayn leh ayuu noo ahaa annaga xisbi ahaan iyo Somaliland oo dhanba. Runtiina arrimahaanu ka hadalnay wuxuunbay ku soo ururayeen dhowr arrimood.”

“Waxaanu u soo bandhigay sidii kor loogu qaadi xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada UK, runtii waa la ogyahay xidhiidhkii ka dhaxayn jiray labada dawldood. Waxa kale oon kala hadalnay oo cabasho uga gudbinnay ciidanka ay dhaqaalaha ku bixiyaan (RRU) ee shacabka loo adeegsanayo, runtiina markaan u gudbinnay taas way ka garabeen, waxayna ballan-qaadeen inay arrintaas dib-u-gees ku samayn doonaan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inay isla soo qaadeen Doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Ingiriiska oo kaalin mug leh ka qaadata dhaqaalaha ay bixiyaan qaadhaan-bixiyeyaasha taageera dimuqraadiyada Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in kulankani uu ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee masuul ka socda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland la qaataan saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dawladda Ingiriiska, balse waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlay arrimo kale oo ay hadleen kuwaas oo uu ku micneeyey qaar aan ku habboonayn in warbaahinta laga sheego.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay dawladda Ingiriiska, gaar ahaan saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu kulanka la qaatay u gudbiyeen cabasho la xidhiidha hab-dhaqanka dawladoodu ula macaamisha dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxaanu u sheegnay inay si qaran jira noola macaamilaan Somaliland oo aanay bar-bar dhigin Soomaaliya, waxaanu u sheegnay inay tixgeliyaan magaca iyo sumcadda ay Somaliland ku yeelatay nabadgelyada mandaqadda, taasna way nala qaateen,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal Cali Xuseen oo Axaddii todobaadkan ka degay garoonka Heathrow ee magaalada London, ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal ugu maqnaa dalka Maraykanka, ayaa kulamo kala duwan la qaatay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska, iyada oo munaasibado ay ku kulmeen jaaliyadda labadii habeen ee u dambeeyey loogu qabtay magaalooyinka London, Birmingham iyo Bristol, waxaana la filayaa inuu todobaadka soo socdo dib ugu soo laabto dalka.

@Wargeyska Himilo