Jamaal Cali Xuseen oo Dalka Ku soo Laabtay Kana Waramay Khilaafka Xisbigiisa iyo Wareerka Kulmiye

 

Hargeysa(SLpost):- Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo in muddo ah safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta si ballaadhan dalka loogu soo dhaweeyey. Mas’uuliyiinta sarsare ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn u soo dhaweeyay musharaxa.

 

Waxa murashaxa soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, xildhibbaano, ganacsato, suldaanka guud ee Somaliland, suldaanka guud ee beelaha Subeyr Awal, Suldaan Mowliid Sabbeyso, madax-dhaqameed kale iyo taageerayaal aad u tira badan.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa intaa ka dib, waxa uu qolka nasashada kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa ugu horeyn ka xog waramay u jeedka safarkiisa uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa.

 

“Waa Illaahay mahadii mar haddii aan anniga oo nabad qaba kusoo noqday dalkaygii Hooyo.Marka hore Illaahay baan u mahad naqayaa,marka xigtana waxaan u mahad-naqayaa dhamaan dadkiinan milgaha iyo sharafta leh ee halkan igu soo dhaweyay,iina soo qadariyay oo ay ugu horeeyaan Salaadiinta dhaqan-ka kuwooddii ugu waaweynaa, 10 Cisho ayaan maqnaa,Dalalka Imaaraatka iyo Jarmalka ayaan tegay. Dalka Imaaraadka Arrin ii shaqsi ah ayaan u tagay,Dalka Jarmalkana waxaan u tagay Kulan Balaadhan oo Xisbiga UCID ay lahaayeen oo waddamo kale oo Yurub ka mid ahna layskaga yimid, si Khayr qabta ayey nooggu soo dhammaatay,waxaanan aad ugu mahad-naqayaa dhammaan Jaaliyaddah,Taageerayaasha iyo madaxda xisbiga Ucid ee dalka Jarmalka ee aanu uga wada hadalnay arrimaha dalka iyo kuwa xisbi-gaba:.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, isaga oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka muddooyinkii dambe ka taagnaa xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, waxaana uu yidhi: “Tobankii Cisho ee aan maqnaa waxay ahaayeen,toban cisho oo aad u xanaf iyo wareer badan,waxaana ugu weynaa uun Khilaafka Xisbul-xaakimka Kulmiye, xisbi xaakim-na haddii uu durri Ku dhaco, durrigaasi dalka Intiisa kalena wuu saamaynayaa oo waxaad ka dareemaysaa hadal-haynta faraha badan ee la hadal hayo, balse waxaan leeyahay waxaas oo dhan waxa ka weyn danta Somaliland iyo qaranimadda Somaliland in aynu isku duubnaano ayaa muhiim ah, in aanay siyaasaddu dadka kala qeybin ayaa muhiim ah.”.

 

Murashax Jamaal Cali Xuseen, waxaa uu sida oo kale ka hadlay khilaaf dhawaan soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe, waxaana uu sheegay hada ay heshiiyeen guddoomiyaha xisbigaasi.

 

“Horta meel layskugu yimid oo Xisbi ah,waligeedba Khilaaf iyo is-afgaran waa wuu ka dhacayaa, annaga waa markii ugu horaysay,waanaanu ka roonnahay kuwa kale ee xisbiyadda ah,waayo ku waas waxa laysku haystaa kuraasi, laakiin Ucid waxa laysku qabtaa Afkaar, haddana 24 Sacaaddood gudaheed anniga iyo Faysal ciddi namay dhex-galin ee annagaa teleefanka toos uga wada hadalnay”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

 

Daawo Soo Dhawaynta Musharaxa oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=es9tZ8udNSU