Jacaylku Waa Falcelin!

Jacaylku waa falcelin (WQ: Cabdirisaaq Abaadir Ibraahim)

 

Jacayl” waa eray hadalkeena ku badan oo aynu u isticmaalno siyaabo kala duwan. Waxaad  maqlaysaa qof ku odhanaya waxaan jecelahay hooyaday, aabahay, carruurtayda, xaaskayga, walaalahay, Nebigeenii suubana (NNKH), waxbarashada, midabka akhtar-jabiska ah, dhakhtar in aan noqdo, madaxwayne in aan noqdo, siyaasi in aan noqdo,  iyo waxyaabo badan oo kale.

 

Haddaba jacaylku waa maxay? Maxaase run ka dhiga?

 

Jacaylku waa dareen dabiici ah oo ku dhasha qofka. Wuxuna sababaa in ka wax jeceli uu dareenkiisa u muujiyo waxa uu jecel yahay ama rabo.  Jacaylku maaha wax aad taaban karto balse waxaa ka dhasha wax la taaban karo.

Jacaylka aad shay u qabto waxaa run ka dhiga falcelinta aad u samayso shaygaas. U fiirso Ilaahay subxaana watacaale wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi isaga oo la hadlaya Nabigeenii suubanaa NNKH Suuradda Al-Cimraan ayaadda 30aad:

“Waxad ku tidhaahdaa haddii aad jeceshihiin Alle aniga i soo raaca Allena wuu idin jeclaan…”

Waxaa aayaddaa Qur’aanka ah ku jira macno aad u ballaadhan oo ah haddii aad jeceshihiin Ilaahay aniga isoo raaca oo ficillada aan sameeyo ka falceliya ama “waxa aan sameeyo sameeya wixii aan ka tagana ka taga.”

 

Macnuhu waa jacaylka Ilaahay wuxuu ku xidhan yahay raacista Nebiga (NNKH) oo ah falcelin. Ilaahay jacaylkiisu waa ficil aynu u samayno oo ah kaligii in aynu caabudno, rasuulkiisana rumayno. Haddii aynu taa samayno falcelinta Rabi ayaynu helaynaa oo ah raali in uu innaga noqdo isla markaana nolasha adduun iyo ta aakhiroba wanaag innagu siiyo.

 

Jacaylka aad u qabto in aad wax barato ama aad xil qabato kuma rumoobo kaliya eray aad afka ka tidhaahdo balse aan ficil wadan, wuxuse dhab ku noqdaa dedaal iyo ficil aan kala go’ lahayn. Taas macnaheedu waxa weeyi wixii aad jeceshahay marka aad falcelin ku habboon u samayso ayuun baa la arkaa isaga oo kuu rumoobay.

Jacaylka aad  u qabto xaaskaaga ama ninkaagu ma aha mid ku yimaadda “waan ku jecelahay” dhinac kali ah ka socota balse waa mid falcelin u baahan. Sirtu waxay ku jirtaa kasbasho ku dhisan falcelin. Haddii aan maanta eray kalgacal ah ugu yeedho xaaskayga oo aan idhaahdo “Qaali dumar iska waran?” oo ay  jawaabtu noqoto “Cabdirisaaq waan fiicanahay,” maalinta dambe waxay iga fishaa waa “Sucaad iska waran…”

Jacaylka aad carruutaada u qabto iyagana aad uga baahan tahay ma aha oo kali ah aniga ayaa dhalay oo waan jecelahay ama waa in ay i jeclaadaan balse waxaa u shardi ah falcelin. Haddii ilmaha aad dhashay jacayl aad u muujin waydo lagama yaabo in uu isaguna kuu muujiyo. Jacaylku waa falcelin!

Gabogabadii- ninkii wax jeceloow haddii jacylkaagu aanu lahayn falcelin ogsoonow arrinkaagu waa “hal bacaad lagu lisay.”

Abdirisak Abadir Ibrahim

Rome, Italy

abadir01@yahoo.com