Jacaylka iyo Naceybka midkee kugu badan? Maxaase u dhexeeya?!

Hargeysa (SLpost)- Dadku waxay marar badan soo hadal-qaadaan, buugaagtana lagu qoraa; Xannaanaynta hooyada ee ubadkeeda, saaxiibtinimada si gaar ah laba ruux u dhex-marta.  Jacaylka Caruurtu u hayso noocyo iyo agab ciyaareed goonni ah iyo dareenno kale oo nafsi ah oo gudaha qofka ka oogan.

Haddaba, jiritaanka xannaanaynta, saaxiibtinimada, jacaylka, naxariista iwm. waxay culimada Cilmu-nafsigu ku sheegeen; inay sababteedu tahay; Caadifad (Sentiment), taasoo saldhig u ah waxa uu qofku ku hammiyayo, ku kacayo oo fulinayo.

Hooyo kastaa ubad badan bay aragtaa oo hareeraheeda ku nool, weyna og-tahay in ay xannaanayn u baahan yihiin, hase yeeshee, ubadka ay iyadu dhashay oo hooyada u tahay bay xannaano gaar ah joogto ugu fidisaa, hadh iyo habeenna u heellan tahay oo dhabta iyo laabta ku qabataa, dhudhunkataana.

Qof kasta saaxiibbo iyo macaariif badan oo uu garanayo ayaa jira, laakiin, ruux saaxiibbadaas ka mid ah oo dadka uga soocan, xaggiisana aan laga marin ayaa ka mid ah dadkaas.

Lana yidhaahdo; “Hebel iyo hebel waa isku shushubtaan!” ama lama kala dhex-galo oo xaasaska oo kaliya ayaa u kala soocan.

Ruuxa sama-falka jecel, waxna alle u dhiibay, dadka dhibaataysan iyo kuwa taakta-daran oo dhan buu wax-taraa. Waxaase jiri kara dad uu dhibaatadooda si khaas ah ugu dhega-nugul yahay.

Ruuxa aadamiga ahi, hadba dalka uu markaas ku nool yahay ayuu la jecel yahay nabad, xasillooni iyo barwaaqo, laakiin, dalkiisii hooyo ee uu asal-ahaan u dhashay ayuu ugu sii jecel yahay inuu maqlo  nabad ka jirta, xasillooni, barwaaqo, horumar iyo wanaag oo dhan.

Arrimahaas aan soo sheegnay oo dhammi, biya-dhacoodu waa “Caadifad”. Taasoo ay culimadu sheegeen, inay leedahay; laba daamood (dhinac) oo kala ah;

“Jacayl” iyo ” Nacayb”, wixii aan labadaas ahaynna, waa isku-darkood oo ay waxyaabo kalena ku soo biireen.

Tusaale-ahaan; in laga cadhoodo dulmiga (xad-gudubka), wuxuu ka yimaadaa nacayka Dulmilowga. Ixtiraamku waa jacayl lagu daray qaddarin, Quudhsiguna waa nacayb lagu biiriyay ka-didis iyo iska-fogayn.

Caadifaddu, waxay ka timaadaa, xididdana ku leedahay dabeecadda gaarka ah ee la kala dhaxlo, sida; Af-tahanimada, Gabyaanimada iwm. hase yeeshee, waxaa Caadifadda saameyn ku leh oo wax ka beddala

Xaaladaha bulsheed ee hadba la soo dersa qofka, ama deegaan-bulshadeedka dhan kasta kaga xeeran, sida; qoyska, dugsiga, masjidka, xaafadda, goobta shaqada iwm.

Caadifadda Waddaniyaddu, ruuxa ay ku weyn tahay, waxay ku qaaddaa inuu u adeego waddankiisa, shuruud la’aan ugu shaqeeyo, naf iyo maalba u huro, waxyeellada ka ilaaliyo oo ka dhawro dadka iyo dalkaba. Ka-qayb galo, dhismaha iyo mashaariicda horumarka dalka iyo u adeegga bulshada, isagoo si quman uga qayb qaadanaya, kuna niyad-san.

Ruuxii wax u qabadkaas waddanka laga waayo, danayn waaya, ama iska diida; micnaheedu; waa caadifaddii waddaninimo ayaa ku yar ama uu dhankeeda ka liitaa, kana dhutinayaa.

Ma la is odhan karraa, dadka Af – Soomaaliga ku hadla tan danbe waa ku badantahay oo sababta ugu weyn ee keentay dib u dhaca dhinacyada noloshooda ku habsaddey. Addiguse akhriste ma is weydiisay xaqa dalkaagu kugu leeyahay, si aad uga hesho xaqa aad ku leedahay?

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net