Jabuuti Oo Doorasho Madaxweyne Looga Dareeray

Jabuuti(Slpost)-Waxaa maanta dadka reer Jabuuti ay u dareereen doorashada guud ee waddankaasi, taasi oo ay ku loolamayaan madaxweynaha talada haya Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhowr xubnood oo kale.

geele4

Doorashooyinkan maanta loo dareeray ayaa waxa ay imanayaan xilli muddo todobaadya ah ay socdeen xiisado, iyadoo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, uu doonayo in markiisii afraad loo doorto xilka.

Geelle ayaa waxa uu tartan xooggan kala kulmayaa hogaamiyayaasha mucaaradka ee Cumar Cilmi Khayreh iyo Maxamuud Daauud.

Hasayeeshee dadka ka faalooda arrimaha Jabuuti waxa ay sheegayaan in mucaaradku ay yihiin kuwa taagdaran oo kala qeybsan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxa uu xilka hayay tan iyo 1999-kii, waana madaxweynaha labaad ee uu dalkaasi yeesho tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen dalka Faransiiska sanadkii 1977.

Qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay qaadaceen doorashada maanta loo dareeray iyagoo ku andacooday in dowladdu aanay diyaar u ahayn tartan xor oo cadaalad ah.