JABUUTI: Mucaaridka oo Ka soo Horjeestay Musharaxnimada Madaxweynaha 

Djibouti(SLpost)-Mucaaridka dalka Djibouti ee ka soo horjeeda xukuumadda madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan is sharaxaadda markii afraad ee Ismaaciil Cumar Geelle.

Mahdi Ibraahin Good midowga xisbiyada USN xidhiidhka arimaha dibada  ayaa ka hadlay waxyaabaha ay doonayaan iyo dhaliilaha ay u hayaan Ismaaciil Cumar Geelle Madaxwaynaha dawlada Djibouti

Ganacsade Cabdiraxmaan Boorre ayaa fariin u diray Madaxwaynaha Djibouti isagoo ka dalbaday inuu kala doodo wixii uu doonayo,isagoo sheegay inay doonayaan wada hadal ku saabsan aqoon iyo dhaqaale.