Jabuuti. Khadar Cabdi Cabdilaahi

Dalkii iyo caasimaddiisii isku magaca ahaa, waa Jabuuti. Laga soo 1862 illaa 1894, waxaa jiray xeeb la odhan jiray Obock, markii dambena waxaa loo bixiyey Badda Tajuura (Gulf of Tadjoura). Waxaa ku dhaqnaa dad Soomaali iyo Canfar isugu jira oo ay madax u yihiin salaadiin ay lahaayeen. Waxaa se jirta taariikh guun ah oo dhigaysa in dhulkaas ay soo degeen dad ku hadla luuqadda Afroasiatic (Afroo-aasiyaatik) markii ugu horraysay. Waqtigaas ay dadkaasi soo degeen meesha, waxaa loo yaqaanay Niyuulitik (Neolithic) ama Casrigii Cusbaa ee Dhagaxa (New Stone Age) oo ku beegnayd 10,200 ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS). Waxa aan inta badan la xusin, laakiin taariikh yahannadu sheegaan, in meeshan aynu ka hadlayna lagu daro, waxa loo yaqaan Dhulkii Ilaahyada (God’s Land or Punt).

Carrigan, maanta loo yaqaan Jabuuti, waxay ka mid ahayd dhulkii boobka gumaystihii Yurub gacanta mariyey, goortii Afrika la wiqiyadaysta. 1883 illaa 1887-kii, Faransiisku dadkii uu halkaa ugu yimi wuxuu la galay heshiisyo kala duwan. Waagii dambe aaggaas waxaa loo yaqaanay French Somaliland. Faransiisku wuxuu soo gaadhay magaalada Jabuuti, sida la xuso, 1888-kii. Haleelkayga oo iska yar oo ay ku lammaantahay caajisnimo xun oo lafta igaga jirta, kumaan guulaysan in aan helo halka uu asal ahaan ka soo jeedo magaca “Jabuuti” iyo ciddii bixisay toona. Afka Canfarta waxaa magaca loo qoraa Gabuuti.

Amintaa Faranjigu yimi, sida la sheego, waxaa ku noolaa dad gaadhaya 15,000 oo ruux. Maanta caasimadda Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa ku dhaqan 600,000 oo ruux. Tani waxay ka macno tahay in wax ka badan 60% mujtaca waddanku ku dhaqan yahay caasimadda. Tira-koobyadii ugu horreeyey ee dadka reer Jabuuti laga qaado waxaa la sameeyey 1916, waxayna markaa ahaayeen 17,981 oo qof, halka (qiyaastii u dambaysay oo ahayd 2014), lagu sheegay 810,179 oo qof. 94% dadku waa Muslim, 6% waxay haystaan diinta Kiristaannka. Badka baladkani yari wuxuu gaadhaa 23,200 km2 (8,958 sq mi). Xaddiga lacageed/dhaqaale ee guud ahaan waddanku sannadkii soo saaraa waa mid dhumuc leh, marka loo eeggo baaxaddiisa iyo dadkiisa. GDP-gu dalku, cel-celis ahaan sannadkii, waa 2.700 bilyan oo doollar (qiyaastii ugu dambaysay oo ahayd 2014). Qofka reer Jabuuti sannadkii waxaan soo gala (Per capita) $2,874 (isla qiyaasta 2014). Dhaqaalaha ugu badan ee waddanku wuxuu ka soo xaroodaa dekadda magaala madaxda Jabuuti ee Jabuuti.

Waddada gabawga badani ka muuqdo ee ay maraan tareennada isku xidha Jabuuti iyo Adiis, (oo aan iminka shaqayn, maadaamoo mid cusub la wado) waxaa la dhisay 1894 iyo 1915-kii.

Waxbarashada Jabuuti waxay samaysay kobac fiican muddooyinkii dambe. Miisaaniyadda dawladdu u qoondaysay waa 20.5%. Qoraalkii u dambeeyey ee 2012, wuxuu sheegayaa, dadka wax qori kara waxna akhriyi kara ee reer Jabuuti in ay yihiin 70%.

Xisbiga PRP (People’s Rally for Progress) ayaa dalka ka taliya tan iyo maalintii la aasaasay ee 1979-kii. Xisbiyada mucaaridka ah waxaa loo oggol yahay wax yar oo xorriyad ah. Mararka qaar in aan looba oggolayn wax xorriyad ah ayaa muuqata. (F.G. xogtan waxaan ka soo ururiyey internet-ka. Halka ugu badan ee aan ka helay waa Wikipedia)

Aniga iyo Jabuuti

Markii iigu horraysay abid, ayay ahayd. 17 Juun, 2015 ayaa iigu horraysay xeebtaa abwaanka Soomaaliyeed ku sheegay in Soomaali laga xaday. Maalintan aan soo galay, ayay barrito oo kalena tahay maalintii ay ramadaan bilaabmaysay. Caawa fiidkii ayaanu isa soo raacnay aniga iyo nin magaalada dhawr iyo soddon sano deggenaa. Waa ninka aan gurigiisa ku soo degay. Wali waxaa maskaxdayda ku sii jirta wixii madaarka diyaaradda ka dhacayey saaka. Wixii uu samaynayey Yaxye, ninka iska haysta madaarka. Suuqa ayaanu soo galnay. Salaaddii maqrib ayaanu ku tukanay masaajid magaalada badhankeeda ku yaalla. Wuu camirnaa masjidku, dadka ku tukanayey na 60% afartanka way ka hooseeyeen. Markii aannu ka baxnay salaadda, afka waxaanu saarnay xarunta Dahabshiil oo noo dhawayd. Toddobada fiidnimo ayaa dib loo furaa. Xarumaha xawaaladdan ee aan meelaha kale ku soo arkay ma shaqeeyaan waqtigan, iidaha mooyee. Waxaan waydiiyey ninkii ila socday sababta. Dadka magaalada oo mashquul badan darteed, ayaa xillagan dib loogu shaqeeyaa, si ay u diraan qarashaadka ay ehladoodu ku taageeraan. Waa runtii, dadka wax meelahaa macno darro isaga fadhiya arki maysid, waa la wada ordayaa oo la wada xoogsanayaa. Ma laha maqaaxiyo lagu qayilo oo wakhtiga lagu cadaabo. Hargaysa iyo inta la mid ka ah ba halkaa way kaga fiican yihiin.

Iminka waxaan eegayaa dadka iyo labbiskooda. Raggu kabo sandal ah, saraawiil tolme ah, shaadhadh ama garamaan/funaanado dabacsan ayay wada xidhan yihiin. Qaar baa surwaal in yar jilbaha ka hooseeya xidhan. Laakiin qaar baa, iyaguna, xidhan surwaal jilbaha ka sarreeya oo aan nigis u aqaanno anigu. Meeshu waa xeeb. Kabaha buudhka ah iyo surwaalka Jiiniska ah ee aan anigu isku qondhodhinayo markay ishu ku dhacdo, waa la garanayaa in aan ahay badaw meesha ku cusub. Dumarka xarunta soo galaya, 99% way asturan yihiin. Badankoodu xijaabbo ayay xidhan yihiin. Laba haween ah oo lacag dirayaa waa Yemeniyiin. Qoysaskoodii oo Hargaysa u qaxay ayay u dirayaan waxoogaa adduun ah, si ay u sii noolaadaan. Waxaan la yaabbanahay gabadha gashaantida ah, ee wajiga cas, ee timaha soo qaawisay. Waa Soomaaliyad. Timo qurux badan oo si fiican loo tidcay ayay soo muujisay. Dirac ayay xidhan tahay, shalmaddana garbaha ayay ku laalatay. Waxa i hor timi, markii aan madaarka ka soo degayey, inantii surwaalka cas iyo shaadhka cad xidhnayd, shalmadda yar ee cas na intaa qoorta ku soo duubatay. Shaqaalaha madaarka ayay ka mid ahayd. Cabbaar ka dib bannaanka ayaan uga baxay xarunta. Halkaas, meel tukaan hortii ah, ayay soo fadhidaa gabadh koob wax ku jiraan cabbaysa. Mooyi shaah iyo sharaab ka uu ahaa, laakiin way ka-kabbanaysay. Dhulka kale ee Soomaalidu degto malaha arrintaasi suuro gal kama aha, ayey wax igu yidhaahdeen. “Waraa yaakhii, reer Jabuuti waa sifilsee – ilbax”, ayaan soo xasuustay.

Yaxye madaarka isaga ayaa wax kasta ka ah. Waa nin santaag badan, aad u santaag badan. Shaqaaluhu aad ayay uga baqayaan. Diyaaraaddii aannu la soconnay, Ethiopian Airways, waxaa saarnaa rakaab kala jinsiyado ah. Qof kastaaba waa in uu buuxiya warqad yar oo uu macluumaadkiisa ku qorayo. Dabcan Soomaalida, qofna waddanka damiin la’aan ma galayo, ajaanibka kale ma hubo. Waxaa loo yeedhay Yaxye. Waa nin dhuuban. Si uu u qariyo in uu bidaar lee yahay, ayuu madaxa u soo wada dhukukurtay. Da’diisu afartan ma dhamma. Surwaal buluug ah iyo shaadh cad oo dirays ah ayuu ku taagan yahay. Waa nin aad isugu kalsoon. Intayadii Soomaalida ahayd halkaa naga fadhiista ayuu nagu yidhi. Amar dawlo mudeec, waanu fadhiisanay. Gunnimadii Soomaalida lagu yaqaanay ayaa bilaabantay. Dadkii diirka caddaa oo dhan ayaa degdeg looga soo daayey meesha. Iska daba wareeg iyo iska hor wareeg ayaa annaga na haysta. Nin nala socday oo reer Hargaysa ahaa, fiisaha wuxuu ka soo qaatay Yurub. Baasaaboorkii intoo laga qaaday, oo waliba jeebka la gashaday, ayaa lagu yidhi dib nooga bax.

Qaraxii Jabuuti ka dhacay, indhaha ayuu u furay. Aad ayay u taxadirayaan, laakiin way ka badbadinayaan. Waxaa la ii sheegay, dad la tuhmay, in sidii loo garaacayey kaw lagaga siiyey. Ilaah yar ayuu isu haystaa Yaxye. Ilaahay makhluuqiisa kuu doono ayuu nooleeyaa kuu doonana ajasha ayuu ka qaadaa. Yaxye na shacabka meeshiisa ugu yimi, ka uu doono ayuu u yeedhayaa oo fiisaha u saaraa, kuu doonana wuu ku caansiiriyaa ama dib ayuu u celiyaa. “Maxaad u socotay?”, ayuu nin waydiiyey. “Ganacsi ayaan u socdaa”, ayuu ugu jawaabay. “Dib nooga bax”, ayuu si kooban ugu hel celiyey, ninkiina si edeb leh ayuu amarka u qaatay. Waan yaabbanahay, ma se muujin karo. Foodho, carkee! Ma anigaa ku dhaca? Anigii baa dawarsanaya. Waxaan dawarsanayaa in aan sifo sharci ah dalka ku galo. Wax sanallah in la igu yidhaahdana waa suure. Aniga qofkii i damiinan lahaa bannaanka ayuu joogaa, sharcigiisiina wuu soo dhiibay, wax kale na igama qaldana. Dhibta i haysataa waxa weeye in aan Yurub ka imi. Dhab ahaantii dhallinta qurbaha ka imanaysa shiishku si gaar ah ayuu u saaran yahay. Sagaalkii ayaanu soo gaadhnay garoonka, laakiin laba saacadood iyo wax la jira ayay nagu qaadatay in aannu gudaha waddanka u galno.

Kadinka ayaan ka booday markii lay ajiibay. Halkaas ayuu soo taagan yahay qofkii i damiintay ee aan ku soo hagaagay. Dhididka ayaa dhabannada hooraya oo wuu ku shiilmay meesha hanfigu ka dhacayo. Si xun ayuu ugu jacdaday. Waxaan isku dayey in aan ka raalli galiyo arrin aanan wax sabab ah iyo wax shuqul ah midna ku lahayn. Gaadhiga ayaanu furaha darnay, magaalada ayaanu sidaa isugu sii daynay.

Indhayga cagaarka Yurub la soo qabsaday, way ka xishoodeen in ay qiimeeyaan magaalada saxaraha u eeg ee ay maanta ugu horrayso. Laakiin waa beentoode, iyaga iyo niyaddooda ay isku shushubtaan ba way la yaabbanaayeen qashinka, bacaha, xashiishka iyo uskagga ka muuqda waddooyinka hareerahooda iyo guryaha hortooda. Waddooyin waafi ah oo qurux badan ayuu gaadhigu nala dhex caymaday, markaasuu qaar suuqa badhtankiisa iyo xaafadaha ku yaalla oo cidhiidhi dhaaf ah nala dhex qulqulay. Suuqa Hargaysa iyo kan Jabuuti waxba kumala duwana, labadaba baabuurta iyo dadka ayaa si anshax daran isu dhex yaacaya. Waddooyinka hareerahooda dad ayaa ku ganacsanaya, laakiin jidka ugu may soo taraarixin sida reer Hargaysa. Reer Hargaysa waa naftood hurayaal shilinku kaga libdhay badhtamaha waddada. Dhismayaal aad u qurux badan oo cusub ayaa halkaa ka muuqda. Waa meesha loo yaqaan Guudka.

Ganacsigu, magaalada Jabuuti, dhaqdhaqaaq fiican ayuu lee yahay. Dhismayaashu way isa soo tarayaan, walaw uu meel gaar ah u badan yahay. Ka ganacsiga iyo isticmaalka qaadku waa ina daan wayne. Baabuurta ugu badan ee waddanka laga adeegsadaa waa nooca dhaadheer ee loo yaqaan Four Wheel Drive. Deggenaan buuxda ayaa magaalada caasimadda ah, oo ah muraayadda waddanka, ka muuqata. Jabuuti waa magaalo Soomaaliyeed. Waxaan ishayda saaray hal kiniisad oo dhismaheedu aad u dheer yahay, mid kalena meel kale ayay ku taal ayaa la igu yidhi. Midkood na ma aha wax qarsoon. Gabadh ganacsato ahayd oo aannu sheekeysanay waxay ii sheegtay in ay jiraan kooxo daaciyiin ah oo diinta Kiristaanka fidiya. Nin ka mid ah dadkaas dacwadda wadaa wuxuu u sheegay, in ay wadaan qorshe ay kiniisado kaga dhisayaan Boorame iyo Burco.

Dadku aad ayay isaga af gaaban yihiin, gaar ahaan markay noqoto qof qariib ah oo aanay garanayn. Islaan waddada dhinaceeda, meel aad u siigo badan, suxuur ku iibinaysay, ayaan doonay inaan iskala sheekeysto habeen. Aad ayay iiga gaabsatay markii aan u sheegay inaan qariib ku ahay magaalada. Nin ayaa maalin waddada badhtankeeda la tagnaa dhaliisha dawladda. Wuxuu ahaa nin wayn oo miyir qaba. Dadku iyagaa iska yaqaane, waxaa markiiba la ii sheegay, inuu basaas yahay.

Sida aad qiyaasi karto, nolol ahaan, dadka reer Jabuuti waa saddex dabaqadood. Koox dharagtay, koox noloshooda ka adag iyo koox dambaska ah. Nin waddanka muddo dheer ku noolaa wuxuu igu yidhi; “dabaqadda dhexe dhib badan ayaa ku soo socda. Sida Hindiya in aannu noqon doono ayaa ii muuqata”.

Waxaad mooddaa in luuqadda Soomaaliga dadka, siiba carruurta, lagala dagaallamo. Wiil yar oo dugsiga sare dhigtaa wuxuu ii sheegay in ay dambi tahay in macallinkaaga Soomaaliga ah aad Af Soomaali kula hadasho fasalka dhexdiisa. Waxaan waydiiyey sababta. “Si aannu luuqadda Faransiiska u baranno”, ayuu iigu jawaabay. Bii’ada, nidaamka, dhaqanka iyo noloshuba qofka waxay ku leedahay saamayn toos ah, tabnaan iyo tognaan ba. 18 jirka Muqdisho haddii uu colaadaha is kala qabsaday, kan Hargaysi na doorashooyin iyo dimuquraadiyadda wax ka arkay, kan Jabuutina ku tiri hannaanka nidaamka uu ku hoos nool yahay. Wiilkaa aan kor ku soo sheegay wuxuu habeen igu yidhi; “waxaan doonayaa in aan dalkan madax ka noqdo oo aan meel gaadhsiiyo. Si aan taa u sameeyo waa inaan ku maamulaa diktaytornimo adag. Bal u fiirso Afrika. Dhulka horumarka laga sameeyey oo dhan waxaa haysta diktaytar.” Hadalkaa kumaan farxin ee aad ayaan uga naxay.

Maanta waa jimce. Salaaddii jimce waxaanu ku tukanay masaajidka Salmaan. Masaajidka waxaa dhisay boqorka Sucuudiga ee iminka, labaataneeyo sano ka hor, sidaas ayaa magaca loogu bixiyey. Masaajidku, waa kii uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, dhex kuududay maalintii dhawayd. Sida Turkida ayaa masaajidka lagu xardhay magaca Ilaahay iyo tawxiidka. Masaajidka waxaa haysta odaygii dhinac fadhiyey Kerry ee khamiiska xidhnaa. Cabdi Macallin ayaa la iigu sheegay magaciisa. Astaamihii Soomaalidu u taqaanay wadaadnimada kama muuqdaan Cabdi Macallin, marka khamiiska laga reebo. Gadhka iyo shaarubahaba wuu muldhiyey.

Bannaanka waxaa taagan baabuur boolis. Judhaba waxaad iska garanaysaa in masaajidka dad madax ahi joogaan. Khudbaddii maanta uu Cabdi noo mariyey, magaca mooyee, khudbad may ahayn. Inta yar ee hore oo uu ramadaanta kaga hadlay, ama uu ku soo raad-gatay marka laga yimaaddo, inta dambe oo dhami waxay ka koobnayd cay, been, been abuur iwm. Wuxuu ku soo gabbaday Salafiyiinta, Shiicada iyo kooxda Takfiir oo uu maagay, markii dambena wuxuu cagta mariyey Ikhawaanu Muslimiin. “Waxay u harraadan yihiin xukun ay xoog iyo boob ku doonayaan. Xalay masaajidka waa nalagu handiday, sida masaajidada kale ba loo handiday. Niman xukun u ooman ayaa nagu yidhi qasab noogu soo wareejiya masaajidka. Ikhwaanu Muslimiintu waxay u oon qabaan xukun, waxay taagan yihiin ama anigaa wax xukumaya haddii kale meeshaba waan qarribayaa”. Hadalladiisa oo manco darro iyo fara badni isku darsaday ayaan intaa ka xasuustaa. Waan la yaabbanaa, laakiin, maadaamoon meesha ku cusbaa, wax hubi ayaan is lahaa. Markii laga soo baxay salaadda ayaan ogaaday in dadkuna sidayda oo kale la wada yaabbanayeen. Nin reer Jabuuti ah, oo injineer ah, ayaa aad uga cadhaysnaa. Wax badan oo uu ninkaa uga soo joogay ayuu ii sheegay, qaddar yar oo aannu wada sheekeysanay.

Markii uu khudbadda dhammeeyey ayuu ammaantii ugu badnayd kula dul kufay Ismaaciil Cumar Geelle, kaligii taliyaha Jabuuti. Duco xadka baxsan ayuu halkaa ka soo galiyey isaga, carruurtiisa, xaaskiisa, ehelkiisa iyo waxa ku xeeran ba. Runtii wax sidaa wax u ammaana ama ugu duceeya ma arag. Wuxuu goobtii ka sheegay in dadka reer Jabuuti ay gobollada ka soo wada baxeen oo ay madaxweynaha ka codsadeen in uu mar afraad isu soo taago doorashada ay toddobada bilood ka hadhsan yihiin. Goorta waxaas oo ammaan ahi dhacayaan, ayaan Geelle iyo wasiir kale toona na joogin masaajidka ba. Waxaa joogay wiil yar oo uu dhalay Geelle. Cabdi Macallinkii sawirkiisu faysbuugga wareegayey waan soo ogaaday in uu yahay daba-dhilif xun oo diin iyo wadaad ceebeys ah. Alla doqonsanaa Cabdi Macallin, wuxuu la suuxsan yahay jacaylka Geelle. Runtii jacayl dhab ahi uma hayee dantiisa ayuu ka dhex arkay sidaa.

Magaalada Jabuuti waxaan ku arkay dumar dawarsato ah. Maalin markii aan joogay ayay soo gashay ramadaantu. Marka la afuro waxay ku afurayeen guryaha hortooda. Isla halkaas ay ku afuraan ayay ku tukaneeyn salaadda Maqrib. Waxaan kaloo arkay innamada baabuurta masaxa, isla markaana ilaaliya habeenkii, oo saqdii dhexe suxuuranaya. Wiilasha baabuurta masaxa ee Hargaysa ma hubo, laakiin dawarsato is daba buguuxinaysa ama meel cunto kula miyir beelay goor salaaddii lagu jiro, waan ku arkay halkan, horrayso iyo dambaysaba.

 

Khadar Cabdi Cabdilaahi

Hiilqalin