Jabuuti: Dadweynaha dalkaas oo Berri u dareeraya Doorashada Baarlamanka oo Xisbiyada Mucaaradka ahi si weyn uga qayb-qaadanayaan

Jabuuti (SLpost)- Shacabka dalka Jabuuti ayaa maalinta Berri u dareeri doona Doorashada Baarlamanka oo sannadkan Xisbiyada mucaaradku si weyn uga qayb-qaadanayaan.

Doorashada baarlamaanka Jabuuti oo ay ku tartamayaan saddex xisbi siyaasadeed oo laba Mucaarad yihiin, ayaa waxa shalay soo gabogabeeyay ololihii doorashada oo soo socday in muddo ah.

Doorashada JabuutiDoorashada baarlamaanka Jabuuti oo ah doorashadii ugu horeysay ee ay ka qayb-galayaan xisbiyada Mucaaradka ah oo hore u qaadici jiray isla-markaana aan ka ayb-gali jirin, ayaa waxa si rasmi ah loogu dareerayaa guud ahaan dalka Jabuuti Jimcaha Berri oo taariikhdu tahay 22 Feb, 2013.

Doorashadan ayaa waxa ka qayb-galaya xisbiyada kala ah, Isbahaysiga aqlabiyada Madaxtooyada Jabuuti (UNP) oo uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, Isbahaysiga midowga Mucaaradka (USN) oo hogaamiyo siyaasiga mucaaridka ah ee dhowaan dibedda ka soo laabtay Daahir Axmed Faarax (Daaf) iyo xisbiga CDU oo uu dhawaan la aasaasay isla-markaana uu hogaamiye ka yahay siyaasiga mucaaridka ah ee Cumar Cilmi kheyrre.

Kuraasta baarlamaanka dalka jabuuti ee loo tartamayaa oo dhan 65 kursi, ayaa 35 ka mid ah laga soo dooranayaa Caasimada Jabuuti, halka  30ka kalena gobollada kale ee Cali Sabiix, Carta, Dikhil iyo Obokh laga soo dooran doono.

Goob-joogayaal ka socda bulshada caalamka, gaar ahaan IGAD, ururka dalalka Islaamka, midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo goob-joogayaal maxalli ah, ayaa la socon doona sida doorashadu u dhacdo.

SOMALILANDPOST.NET