Jabhadda Mucaaradka ee Mali oo gacanta ku dhigay Magaalo Muhiim ah

Bamako, 31 March, 2012 (SLpost)- Jabhadda  Tawaariqa  ee gacanta  ku haysa  Waqooyiga dalka  Maali  ayaa maanta  gudaha u soo gashay  magaalada  Goy ka dib markii ay  jabiyeen difaaca  magaaladaasi oo  ay  dul mareen  dhufaysyo   halkaasi  ay ka samaysteen  ciidamada  Qaranka  Mali.

Dad goob  jog ihi waxa ay  sheegeen in ay  arkeen  ciidamada qaranka  ee dalkaasi oo ka sii  baxaya  magaalada  iyo  Malayshiyada  oo waa  gadiidka  Tiknikada ah  ee ay  qoryaha  culusi ku rakiban yihiin oo soo galaya  magaalada,  taasoo  sanqadha rasaasta  laga maqlayey  badhtamaha magaalada iyo koona yaasha..

Geesta kale,  waxa  uu habeenkii  xalay  daray  qeylo dhaan hogaamiyaha  galaha  Military-ga  ee talada dalkaasi la wareegay  dalalka  la saaxiibka ah  dalka  Mali  iyo b ulshada  caalamka, isagoo  sheegay in dalka  Mali  khatar  ugu jiro in ay  qabsadaan  jabhadda  dawaariqa  iyo mitidiinta  islaamiga ihi,  taasoo dawladda Mali u baahantahay  gargaar  Military iyo  mid  cuno si dalka loo badbaadiyo.

Waxana  golaha  military-gu  u  direen  wufuud  dawladaha galbeedka Africa gaar ahaan kuwa xuduuda   la wadaaga  si looga noqdo cunaqbataynta  ay  ku soo rogeen.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland