Jaamacadda Qur’aanka Kariimka ah oo laga Hirgelinayo Somaliland iyo Culimada dalka oo Baaq u jeedisay Bulshada

 

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa laga hirgelinayaa Jaamacadda ugu weyn mandaqadda Bariga Afrika oo lagu baran-doono Qur’aanka Kariimka ah iyo Cilmiga Diinta Islaamka.

Jaamacadda Qur’aanka Kariimka ah oo noqonaysa tii ugu horeysay nooceeda ee laga hirgeliyo gegida Soomaalida iyo Guud Ahaan Geeska Afrika, waxa hirgelinta dhismaheeda shaaca ka qaaday Culimada waaweyn ee Somaliland oo bulshada ugu baaqay inay ka qayb-qaataan tabarucaadka dhismaha Jaamacadda.

Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadam-Siira), Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sh. Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, Sh. Axmed Maxamed Ibraahim iyo Sheekh Aadam-Sunne ayaa bulshada ugu baaqay inay si weyn uga qayb-qaataan tabarucaadka dhismaha Jaamacadda.

Faahfaahinta Warkan ka daawo Muuqaalka Hoose