Jaamacadda Carabta oo Mawqif Adag iska taagay Wada-xaajoodka Falastiin iyo Israa’iil

ShowImageQaahira (SLpost)- Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, ayaa waddamada Jaamacada Carabta taageero uga helay mawqifka maamulkiisa iyo shacabkiisu ka taagan yihiin Waddan Xor ah oo Yuhuuddu yeelato, ka hor kulan uu todobaadkan la yeelan doono madaxweynaha Maraykanka.

Kulan magaalada magaalada Qaahira ugu qabsoomay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa lagu go’aamiyey inaanu macquul ahayn qorshe dawladda Yuhuuddu ku doonayso inay caqabad hor ka dhex abuurto geeddi-socodka wada-xaajood dhexmara maamulka Falastiiniyiinta si loo xoojiyo tubta nabadda ee Bariga Dhexe.

“Wasiirrada Jaamacadda carabtu waxay xaqiijinayaan taageerada maamulka Falastiin ku diidan yahay dal Yuhuudu yeelato,” sidaa waxa lagu sheegay qoraal wasiirada Arrimaha Dibedda Jaamacada Carabtu Qaahira ka soo saareen.

Guddoomiyaha Jaamacada Carabta Nabil Elaraby, ayaa sheegay in raysalwasaaraha Yuhuudu, Benyamin Netanyahu, dalabkiisu ka baxsan yahay qorshaha wada-hadalka, isla markaana aanay macquul ahayn aqbalaadiisu.

Madaxweyne Cabbas oo dhowaan khudbad ka jeediyey telefishanka Falastiin, ayaa sheegay, “Marnaba aqbali mayno dal Yahuudu yeelato.”

Waxa uu sheegay in shanta milyan ee Falastiiniyiinta qaxootiga ah iyo ubadkoodu ku khasban yihiin inay ku laabtaan dhul Yuhuuddu ka taliso isla markaana ay noqdaan muwaadiniin Israa’iil u dhashay, maadaama dhulkooda laga qaaday,

“Mowqifka aanu ka taaggannahay deegaamaynta Yuhuuddu, bilow ilaa dhamaad, waa sharci-daro, mana aqoonsanin,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabbaas.

SOMALILANDPOST.NET